AC Siena vs Inter FC oo isku dhegan (Maxaad ka ogtahay?)

Ma ogtahay?

  • Inter mar qura unbay adkaatay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan iyadoo markii ugu dambeeysay ee ay Inter dibedda gurigeeda ay kusoo badiso ay ahayd markii ay wiilasha Stramaccioni ay 3-1 ugasoo adkaadeen Juventus 3-dii November garoonka Juventus Stadium.
  • Antonio Cassano (sawiran) wuxuu dhigay 7 gool oo la dhaliyay xilligan, isagoo dhankaas uga dambeeya 3 ciyaaryahan oo qura oo kala ah Marek Hamsik, Francesco Totti iyo Borja Valero.
  • Kooxda Nerazzurri dhanka akhlaaqda marka la eego waxay urursadeen 45 jaalle iyo 2 kaarka cas ah 22-kii kulan ee ay safatay, iyadoo sanadkii horana meelaha sare ku jirtay.
  • AC Siena waxay noqotay kooxdii libta si lama filaan ah Inter uga soo qaadatay iyadoo uga adkaatay 2-0 kulankii hore oo weliba Sansiro ka dhacay - waxaana ku fillaaday goolashii ay dhaliyeen Simone Vergassolo iyo Valiani.
  • Kooxda Iachini lafteedu iskuma taaltaallo ayaantaan waayo mar unbay badisay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay, taasoo ay kaga adkaatay Sampdoria, 8-dii kulan ee kale ee u dambeeyay waxay ku dhamaadeen guuldarrooyin.t
  • Inter waxay haatan kujirtaa kaalinta 4-aad iyadoo 40 dhibcood shaqeeysatay, halka kooxdan yar ee Bianconeri ay ka mid tahay kooxaha sameeya cagaha uu ku taagan yahay jadwalka horyaalka Talyaaniga ama hadii aan si toos ah u hadlo iyadaa ugu hooseeysa.

Safafka iyo shaxda suuragalka ah: AC Siena (3-4-2-1) vs Inter FC (3-4-1-2)
SIENAPegoloTerlizzi, Paci, FelipeAngelo, Vergassola, Della Rocca, Rubin
Rossina, ReginaldoBogdani

INTER
HandanovicRanocchia, Juan Jesus, ChivuSchelotto, Gargano, Cambiasso, NagatomoGuarin
Cassano, Palacio

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji
Gool FM, Gothenburg Read more about AC Siena vs Inter FC oo isku dhegan (Maxaad ka ogtahay?)