”Aniga iyo taageerayaasha City-ba tebi mayno Balotelli” – Glen Johnson
(Manchester) 03 Feb 2013 Dadabka kooxda Liverpool ee Glen Johnson ayaa weerar qaacis ah ku qaaday qanaaskii hore ee kooxda Manchester City ee Mario Balotelli.
Johnson ayaa maanta wajahaya kooxda City taasoo ah tii ugu horeeysay oo uu la ciyaarayo kooxdaasi oo Balotelli la’aan ah iyadoo ay jiraan qaar ka tirsan taageerayaasha City oo jeclaan lahaa inuu sii joogo laacibkan dabciga kulul.
Balse kuwaas iyo Johnson laba jiho ayay kala joogaan: “Ilama aha inay tebi doonaan Balotelli. Anigu meel ugama dhacayo xushmada ninkan, balse qof kastaahi wuu ogyahay wuxuu ahaa.” ayuu ku bilaabay.
“Isla maanta wuxuu noqon karaa xidig wayn….Balse City waxay sidoo kale leedahay xidigo waawayn oo in badan dhaliya goolal ka badan kuwii uu u dhalin jiray.”
Johnson, oo 28 jir ah, ayaa sidoo kale Balo ku wajahay koobkii Euro 2012 kulankii rubuc-dhamaadka: “Kulligeen iimo waan leenahay balse iska daaya Mario kooxdiisa haku dhibo roosooyin bilaa micne ah iyo waxyaabahaas oo kale. Waa xidig wayn balse shakhsiyan kolleey anigu ma tabayo, waayo wuxuu ku caan baxay waxyaabaha uu ka sameeyo garoonka banaankiisa halkii uu garoonka gudihiisa ka sameeyn lahaa.” ayuu ku dooday Glen.
Gool FM
















