Arsenal oo ku abaal sheegatay kooxda Man United!


Sabti, 29-12-2012. Kooxda Arsenal ayaa ku abaal sheegatay dhigeeda Man United iyadoo ku tiri waxaan idin ogolaanay inaad qaadataan R. Van Persie sidaa darteed waa inaad lacago yar nooga iibisaan Luis Nani.
Kooxda Arsenal ayaa iminka wada hadalo la furtay kooxda Man United taasoo ay ku dooneyso in Nani kula wareegto marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Janaayo.
Kooxdan ku ciyaarta garoonka Old Trafford ee Man United ayaa dooneysa inay ku iibiso xiddigeeda Nani ee isagu ahayn dooqa Sir Alex Ferguson adduun dhan 20-milyan oo bound, balse Arsenal ayaa dooneysa in qiimo jaban kula wareegto Nani.
Arsane Wenger ayaa bilaabay xiiseynta Nani bilowgii bishan, waxaana la ogsoon yahay in kooxda Chelsea ay iyana sheeda ka eeganeysa xiddigan booska joogtada ah ka waayay kooxda Man United ee Nani.