Ciidamada Ithopia iyo Kuwa dowladda oo fariisimo ka sameystay Galbeedka Baladweyne

Baladweyne  ( Sh.M.Network)  Sida ay Kuwaramayaan Wararka Ka Imaanaya Magaalada Balad Weyn Ee Xarunta Gobolka Hiiran Ciidanka Dowlada Iyo Kuwa AMISOM ayaa Howlgallo waxa ay Ka sameeyeen Xafadaha Magaaladaasi.
Howl Gallada oo Ah Mid Lagu Xaqiijinayo Ammaanka Magaalada Isla Mar haantaana Looga Hortagayo Falal Amni darri oo ka dhaca Magaaladaasi
Afhayeynka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamuud Nuur Cagajoof oo Lahadlay Idaacada Shabelle Ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka dowladda iyo Kuwa AMISOM ay Howl gallo Ka sameeyeen Gudaha Magaalada.
Afhayeenka ayaa Xusay in Maamulka Gobolka Hiiraan ay geeyeen Galbedka Magaalada Baladweyne Ciidamo dheeraad ah oo isugu Jira Ciidanka dowladda iyo Kuwa Ithopiya Kuwaasi oo uu sheegay in ay Xaqiijinayaan ammaanka Magaalada Baladweyne ayna ka hortagayaan Weeraro Al Shabaab ay ku soo qaadaan Magaaladaasi.
Dhawaan ayaa Galbeedka Magaalada Baladweyne waxaa ku dagaalamay Ciidanka dowladda iyo Kuwa AMISOM oo isku dhinaca iyo Xarakada Al Shabaab dagaaladaasi oo sababay khasaaro soogaaray Labada dhinac.

PdateM: 

2013-02-03 13:45:07 +0100