C/weli Gaas Oo Beesha Caalamka Ku Eedeeyay In Gacanta Ka Laabatay Dhaqalihii Lagu Fulin Lahaa Roadmap-ka


Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Beesha Ku Eedeeyay in gacanta ka laabteen dhaqalihii lagu fulin lahaa Qorshaha Xukuumada U Yaalo
Nairobi  (RBC)
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali oo saxaafada kula hadlay caasimada Kenya, Nairobi ayaa sheegay beesha caalamka in ay ku guul dareestay in ay bixin lacagihii lagu fulin lahaa qorshahax xukuumadiisa u yaalo oo uu ku jirro qorsha howleedka hirgalinta Roud-Map-ka.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in uu ka qeyb galey shir looga hadlaayo arirnta Roud-Map-ka oo shaley ka dhacay Nairoi, kaa oo ay ka qeyb galeeb xubno ka tirsan dhinacyadii saxiixay Roud-Map-ka oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho 06-dii -September, 2011
Ra’iisal wasaare Gaas ayaa tilmaamay xukuumadiisa in ay qabtay wax yaabihii ka saarnaa arrinta Roud-Map-ka.
” Beesha caalamka waxa looga doonayaa in ay bixiyaan dhaqaalaha lagu socod siinaayo Roud-Map-ka. si uu meel mar u noqdo qorshaha dowlada fadaraalka u yaallo looga gudbo xiliga KMG ah,” ayuu sheegay Ra’iisal wasaare Cabdi Wali Cali Gaas.
Ra’iisal wasaraha oo la weydiiyay wax yaabah ay qabatay xukumadiisa ayaa waxa uu yiri ” Markii aan ku dhawaaqay golaha wasiirada xukuumada illaa hadda waxa an dhihi karaa waxa aan qabanay wax yaabo badan kuwa hadda noo dhiman waxa aan dhihi karaa  la’aantood ma hirgalaayaan dhaqaalo”
Ra’iisal wasaraha ayaa sheegay dowlada in ay guulo ka gaartay dagaalada ay kula jirto Al-Shabaab waxa uu ka dhawaajiyay guulihii ugu dambeeyay ay gaareen in ay ka mid yihiin deegano Al-Shabaab lagala wareegay oo ay ku jirto magaalooyinka Baladweyne, Dhoobley iyo qeybo ka mid ah gobalka Gado.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in la kulmay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Agustine Mahiga, waxa uu sheegay in ay kala hadleen arrimihii ugu dambeeyay gaar ahaan khilaafka ka dhex jirra xildhibaanada baarlamaanka
Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay u socdaalayaan dalka Djibouti halkaas oo uu ka helay casuumaad uu usameeyay dhigiisa dalka aan walaalaha aanu nahnay ee Djibouti Deleyte Maxamed Deyleyte
RBC Radio
————————-
Xafiiska Wararka Nairobi