Damala-Xagare oo Shir Marti Galinaysa.

Xingalool:(GalGalanews) Axmed Maxamed Maxamuud [Jabiye] oo ah La Taliyaha Madaxwaynaha Maakhir State Coll Jibriil Cali Salaad ayaa Socdaal Maalmahan ku Joogay Degmada Xingalool isaga oo ka waramay Shirarka Nabadeed ee ka socda Gobolka Sanaag.
Wuxuu Yiri”Hadda Arrimo Siyaasadeed  uma Joogo Degmada Xingalool laakiin Arrimo dhaqan ayaanu Degmada u Joognaa Shirka Nabadeed ee Damala-Xagare ka Furmaya ayaanu Go Gol Xaadh u Nahay” Ayuu Yiri.
Wuxuu dhaleeceeyay Fara Galinta Maamulka Somaliland ee Gobolka Sanaag isaga oo xusay in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ee Somaliland Axmed Xaaji Cadami uu Hor-boodayo Ciidamo ku Sugan Sanaag.
“Wuxuu Yiri” Cadami ayaa Qabaabilka Hubeeyay Horay ayuu Beelaha Sanaag Hub isugu Dhiibay taasina mahan Mid macquul ah”Ayuu Yiri.
“Maamulka Somaliland Wuxuu ka dhiganyahay Beelo isu tegay Markaa Beelina Beel kuma Duuli Karto Mana Qabsan karto Beelaha G/Sanaag waligood Lama Gumaysan Waa dad Taariikh Fog leh” Ayuu Raaciyay intaasi.
Hadalkan ayaa ku soo Beegmaya Xili Maamulka Puntland uu ka digay isna Fara Galinta Qaawan ee Somaliland ku hayso Gobolka Sanaag,waxana Magaalada Xingalool ku Sugan Madaxda Maamulkaasi ka Tirsan.
Docda kale Waxa jira warar aan la hubin oo Sheegaya in Wasiiro PL ka Tirsan ay imandoonaan Gobolka Sanaag Gaar ahaan Xingalool.
 
 
GalGalanews.com