Falcao “Waan ku riyooday in aan 3 Gool ka dhaliyo Chelsea!!”

Sabti, 01/09/2012Falcao oo tilmaamaya 3 gool inuu ka dhaliyay Chelsea kualnkii xalay ee UEFA Super CupDhammaadkii ciyaartii UEFA Super Cup ee xalay garoonka Stade Luis II  ku dhex martay kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea, taasoo si xarago leh kooxda Atletico ay 4-1 kaga adkaatay kooxda Reer London ee The Blues ayaa xidiggii ciyaartaasi Radamel Falcao waxa uu wareysi siiyay saxaafadda.“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan Ku guuleysanno Koobkii, dhab ahaantiina waan u qalannay waayo ciyaar wanaagsan ayaan soo bandhignay” ayuu Falcao oo ciyaartaasi dhaliyay 3 gool (Hat Trick) u sheegay Channel + .Falcao oo lagu naaneyso El Tigre “The Tiger/Shabeelka”  waxa uu intaa ku daray “Shalay waan riyooday, waxaana ku riyooday anigoo 3 gool ka dhalinaya Chelsea, aad ayaana ugu faraxsanahay in riyadaasi ay rumowdo”.Wargeysyada Ingiriiska ayaa qoray in Chelsea ay ka daahday soo iibsiga ciyaaryahan Falcao oo ay dhowr jeer damaacisay, hase yeeshee xalay uu tusay qiimaha uu leeyahay.The Tiger oo ku faraxsan mid ka mid ah goolashii Saddexleyda ahaa ee uu xalay ka dhaliyay Chelsea, UEFA Super CupFalcoa oo kor u haya Koobkii uu isagu suuro geliyay ee Super Cup-ka Yurub ee xalay ay ku guuleysatay kooxdiisa Atletico MadridCiyaartoyda Atletico Madrid oo u dabaal degaya hanashadii Super Cup-ka Yurub oo xalay ay ka qaadeen Chelsea