Faska Oo Jartay Xadka Fanka weysayna Hanuuniye… Fadeexad+ Sawiro Daawo

Fanaanada caanka ah ee mudada gaaban kusoo caan baxday Farxiya Faska ayaa mar qura’ waxa ay gilgishay saaxada fanka Soomaaliyeed ayadoo mudo kooban ku jirtay fanka faca weyn ee Soomaaliya oo wixii ka danbeeyay markii dalka uu burburay lagu arkay isagoo yaala wado walba oo caalamka iyo meel kasta oo ay Soomaalida u barakaceyn.
Farxiya ayaa waxa ay wax badan ka badashay muuqaalkeeda ayadoona Show-yo dhowr ah ka furtay dalalka Yurubta halkaasi ay kusoo bandhigeysay heerka fankeeda oo ahaa mudooyinkii ugu danbeeyay mid cirka isku xidhay ka dib markii ay qaaday heeso dhowr ahaa oo soo jiitay dhagahay taageerayaasheeda oo ka mid ahaa WADNAHAA DHAG.
Wixii ka danbeeyay markii ay salka la heshay Farxiyo Fanka ayaa waxa ay guursatay ninka dhanka garaacista ku wacan ee Bashiir Hanuuniye ayagoona is guursaday hortaantii sanadkaan 2011 kaa oo laga garaacay dalalka Yurubta si qurux badan.
Farxiyo ayaa wixii ka danbeeyay markii ay guursatay Hanuuniye ayaa la sheegayaa in ka sii baxeysay saaxada fanka ayadoona soo saartay ilaa dhowr heeso kuwaa oo ahaa kuwo horay loo qaaday oo ay kasoo dhigtay qaab casri sida ay sameeyaan fanaaniita cusub waxa ayna keentay in Fiska ay ku weyso sameynta heesahaasi ninkii dhawaan ay isguursadeen sida ay sheegayan warar hordhac ah oo laga helayo afkooda.
Sidoo kale, Farxiyo waxaa lagu arkyay mudooyinkii ugu danbeeyay goobaha xafladaha ayadoo markii hore imaan jirtay balse waxaad moodaa in markaan ay darantahay sidii hore waana sababta dad badan ay u aamineen in ay ka sii baxeyso Fiska xuduudka fankka waxaana lagu arkaya ayadoo ku labisan darees aad u fool xun oo korkeeda soo saarayo sida faniintii ka horeyey ay sameyn jireen waxaasi intaasi ka sii daran in heestii ugu danbeysay ay ku qaaday goob markab dushii oo lagu cabo Qamriga aduunka ugu qaalisan.
Muuqaaladaasi ayaa ah mid haatan saxaafada ay ku heysay si fudud maadaama Fiska ay haatan kasii baxeyso xuduudka fanka oo ay dhawaan kusoo biirtay waxaana xasuus mudan in Fiska horay ay usoo martay dhowr guur uusan aheyn midkaan mid cusub waxaana la sheegaa in Fiska ay leedahay ilaa 4 caruur oo ay u dhashay nin Macalin Dugsi ahaa ayadoona ilaa haatan aanan meel ku sheegin caruurteeda sida MARKACADEY.NET ay kasoo xiganeyso dad aad ugu dhowdhow labadaasi lamaane.