Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo ka hadlay Hoos u dhaca Sarrifka dollarka

Muqdisho ( Sh.M.Network) Iyadoo Muddooyinkii dambe uu hoos u dhac Xoogan uu Ku yimid Lacagta Lagu Sarrifo doolarka Mareekanka Maciishaduna halkeeda ay taagantahay dadkuna ay arrintaasi cabasho Ka Muujinayeen ayaa waxaa Maanta arrintaasi Ka hadlay Guddiga Maaliyadda Baarlmaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddigaasi Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Max'ed Deer oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in arintaasi ay tahay wax Laga Xumaado Hoos u dhaca dollarka Mareekanka iyo Weliba Maciishadda oo weli inteedi Joogto.
Xildhibaanka ayaa dowladda Soomaaliya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxa uu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan Hoos u dhaca Sarrifka Lacagta Dollarka Mareekanka ku yimid iyo qiimaha qutul Daruuriga ee Meeshiisa Jooga.
Hadalkaan Ka soo Baxay Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli fadhi ay Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya kaga hadleen Qiima dhaca ku yimid Sarrifa Lacagaha dollarka iyagoo guddi soo baara arrintaasi u saaray

PdateM: 

2013-02-03 13:51:33 +0100