Kulan looga hadlayay Horumarinta Gobolka Galgaduud oo ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb ( Sh.M.Network) Kulankaan oo ay ka qayb Galeen Xildhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliy, qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka iyo Masuuliyiin ka mid ah ahlusunna oo ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Looga arinsanayay sidii loo Horumarin lahaa Gobolkaasi.
Gudoomiya Gobolka Galgaduud Axmed yuusuf Xassan Ciyow Oo Kulanka Ka Dib Lahadlay Idaacada Shabelle Ayaa Sheegay in ujeedada kulanka uu ahaa Xildhibaanno ka soo jeeda gobolka galgaduud oo dhawaan Booqasho ku tagay halkaasi in ay arkaan waxa ka jira deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Galgaduud.
Xildhibanad Jawaahir Axmed Cilmi oo ka mid ah Xildhibaanada ka qayb galay kulankaasi oo iyana lahadashay Idaacadda Shabelle ayaa tilmaamtay in Maalmahaani kulamo ay la qaadanayeen waxgaradka , Masuuliyiinta iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Gobolka Galgaduud si ay ugaarsiiyaan warbixinno ay kaga wadeen dowladda Federaalka Soomaaliya
Kulankaan ay maanta wada qaateen Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka , Masuuliyiinta ahlusunna iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ee ku dhaqan Gobolkaasi Galgaduud ayaa waxa uu qayb ka yahay kulamo ay Maalmihii la soo dhaafay xildhibaanno ka soo Jeeda Gobolka galgaduud la qaadanayen dadka ka soo jeeda Gobnolkaasi.

PdateM: 

2013-02-03 13:58:37 +0100