Madaxweynaha oo shaaca ka qaaday in dowladu bilaabi doonto mashaariic lagu horumarinayo gobolada dalka”Dhageyso”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay Dowladdu bilaabi doonto mashaariic lagu hormariayo gobollada Dalka ayadoo degmo kastana laga hirgelin doono shan mashruuc oo hormarineed.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Telefishinka Qaranka ayaa ka warbixiyay booqashadii uu ku tagay dalka Biljimka isagoo sheegay in mudo Laba maalmood ah ay joogeen magaalada Brusselis iyagoo marti u ahaa Midowga Yurub.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu la kulmay madaxda ugu sareeysa Midowga Yurub islamarkaana uu la gaareen heshiis iyo faham iyagoo sameeyay balanqaadyo, wuxuuna guul ku tilmaamay in 22 sano kadib in dowlad Soomaaliyeed ay toos ula macaamiisho Midowga Yurub.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa soo hadalqaaday in uu jiro shir lagu balansanyaha oo looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya mustaqbalka fog kaasoo dhici doona dabayaaqada Sanadkan, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkaasi uu noqdo mid dhaqaale badan loogu ururriyo Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in uu kulamo la yeeshay madaxda dowlada Biljimka, islamarkaana ay ku heshiiyeen barnaamijyo ku saabsan kor u qaadida awooda hey’adaha dowlada iyo horumarinta degmooyinka dalka oo u sheegay in degma kasta laga horgelinayo Shan mashruuc oo kala ah Dugsi waxbarasho, xarun caafimaad, Ceel biyood, saldhig booliis iyo xarunta maamulka, arintaasina dowlada Biljimka ayaa gacan ka geysanaysa sida uu xusay madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa wareysigan siiyay warbaahinta Qaranka ka hor inta uu ku gudajiray safarkii uu ku marayay dalka Biljimka, isagoo hada ku sugan dalka Ingiriiska isla markaana madaxda dalkaasi kulamo kula leh magaalada London.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Madaxweynaha
Recent Somali tweets
- 1 of 1568
- ››
