Mancini: Hadii ay Man City aniga i raacdeyso, 19ka kale ee koox waxay noqon doonaa tababare la’aan, xittaa Ferguson waa la raacdeyn doonaa

Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya inay qatar ku jirto shaqadiisa kooxda, wuxuuna sheegay in macalin walba oo koox Premier League maamula la raacdeyn doono hadii City go’aansato inay isaga shaqada ka ceyriso.
Daaficii hore ee kooxda Sky Blue Danny Mills ayaa shalaytoole saadaal ku bixiyey inuu Mancini shaqadiisa lumin doono hadii ay kooxda heysata horyaalka EPL ka harto FA Cup kulanka Axada ay garoonkooda kula ciyaarayaan Leeds.
Markii wax laga weydiiyey inuu ciyaaryahankii hore ee City sheegay inay shaqadiisu riski ku jirto, Mancini ayaa dib ugu jawaabay: “Laga yaabee inay jiraan ciyaaryahano badan oo kooxda taariikhdeeda kula soo guuleystay koobab badan!.
“Waxaan halkaan ka shaqo bilaabay sedax sano ka hor. Sedaxdaas sano waxaan mar walba aheyn koox heer sarre ah, waxaan u dagaalameynay horyaalka, waxaan ku guuleysanay sedax koob, sanadkaan waxaan fursad u heysanaa inaan ku guuleysano koobab. Dadka ku hadaaqaya in aniga la I ceyrinayo ma fahamsana Kubada Cagta
“Hadii ay aniga Manchester City I ceyriso, 20ka koox ee kale Premier League waxay noqon doonaan tababare la’aan.”
Mancini ayaa cadaadis badan saaran yahay ka dib markii dhamaadkii Isbuuca ay kooxdiisa guul darro kasoo gaartay Southampton ayna City 12 dhibcood ka daba martay hugaamiyeyaasha horyaalka Manchester United.