Maqaal ku saabsan: Sida shaqadu sharci ahaan ugu kala qaybsan tahay Madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha
ASCWB. dhamaantiin waa idin salaamay. Waa aqoonyahan c/risaq M xuseen, ku nool dalka sweden. Beryahaan waxaa dowlada soomaaliya ka muuqda qaab-dhaqameed aan dastuurka waafaqsanayn. Waxaa si cad u muuqda in awoodii madaxweynaha iyo tii raysulwasaarahaba uu isku darsaday Xasan Sh.Maxamuud. Haddaba si aan shacabka soomaaliyeed ugu bayaamino sida sharcigu yahay iyo waxa uu dastuurku qabo iyo sida sahqada ugu kala qaybsan tahay labada masuul ayaan qoray maqaalkan. Waxaan eegay nidaamka guud ee dunida io weliba waxa uu qabo tastuurka soomaaliya. waxaan jeclajay inaad daabacdaan si dadku uga haqab beelaan loona fahmo awood qaybsiga iyo sida ay shaqadu tahay.
Mahadsanidin
C/risaq M Hussein
Shaqada madaxweynaha iyo midda Raysul wasaaraha
Kolka laga hadlaayo nidaamka dowliga ah ee adduunka laga isticmaalo, waxaa jira dhowr qaab oo kala duwan oo saldhig looga dhigo maamulka iyo jihaynta wadanka. Nidaamyadaas qaar ka mid ah ayaan qormadaan ku falanqayn doonaa. Waxaa jira saddex nidaam oo isu dhow oo lagu maamulo wadamo badan oo dunida ah.
1. Nidaam madaxweynuhu awooda leeyahay ( presidential system of government)
Nidaam-dowladeedkan waxaa ay awooda ugu weyni gacanta ugu jirtaa madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa masuul ka ah hogaaminta dowlada iyo in dowladu ay gudato howshii lagoo xilsaaray. Madaxweynaha leh awoodaan aan kor kusoo sheegnay waa inuu yahay mid shacabku si toos ah u soo doortay. Madaxweynuhu waa hogaamiyaha iyo madaxa dowlada.( In a presidential system, the President who is (the chief executive as well as the symbolic head of government) and is chosen by a separate election from that of the legislature). Nidaamkaan waxaa wasiirada dowlada ka kooban tahay soo magacaaba madaxweynaha. Madaxweyanaha ayaa kolkii uu wasiirada magacaabaayo waxaa uu tixgeliyaa aqoontooda iyo weliba iney yihiin kuwo isaga la shaqayn kara. Wadanka Maraykanka ayaa ah wadanka ugu caansan ee isticmaala nidaamka siyaasadeed ee uu madaxweynuhu leeyahay awooda iyo hogaaminta dowlada. Waxaa kaloo jira wadamo badan oo dunida ah oo isticmaala nidaamkan. Wadamadaas waxaa ugu badan kuwo ku yaal waqooyiga iyo koonfurta Ameerika sida: Mexico, Ecuador, El Salvador, Guatemala, Nicaragua, Panama iyo Paraguay. Wadamada qaarada yurub ee uu madaxweynuhu awooda badan leeyahay waxaa ka mid ah wadanka Fransiiska.
2. Nidaam uu Raysulwasaaruhu awooda leeyahay ( primeministerial system)
Nidaamkaan waxaa awooda ugu weyn ee maamulka iyo howsha dowladu gacanta ugu jirtaa raysul wasaraha ama wasiirka kowaad. Magacaabista xubnaha dowaldana waxaa iska leh raysulwasaraha. Baarlamaankuna waa hayąda kor ka ilaalisa in shaqada dowaldu sidii la rabay u socoto. La xisaabtanka raysul-wasaaraha waxaa ay gacanta ugu jirtaa baarlamaanka, kaasoo kalsoonida siin kara ama kala noqon kara raysul-wasaaraha iyo dowladiisa. Awooda ugu weyn ee maamulka dalka waxaa iska leh raysulwasaaraha ama wasiirka Kowaad. Kolka awooda Raysul-wasaaraha la qeexaayo waxaa la yiraahdaa( The Prime minister is not only a highly centralized political machine but also of a highly centralised and vastly more powerful administrative machine). Taas oo macnaheedu yahay raysul wasaaruhu ma aha oo keliya siyaasiga khadka dhexe ee siyaasada dalka balse waa mashiin awood badan oo wada, iskuna xira dhamaan howlaha dowlada. Awooda iyo howsha uu leeyahay raysulwasaaraha waxaa ka mid ah.
. Magacaabista iyo isku shaandheynta dowlada
. Magacaabista howlwadeenada hayąadka kala duwan ee muhiimka ah ee dowlada.waxaa howshiisa ka mid ah inuu magacaabo safiirada iyo xeer ilaaliyayaasha dowalda, haddii aaney tastuurka ku qorayn wax kale oo lagu heshiisyey. (The Prime Minister the power to appoint top civil servants, ambassador and judges)
. Maamulitaanka iyo qaabeynta wax kasta oo fulinteeda laga doonaayo dowlada.
. Waxaa uu awood u leeyahay inuu soo jeediyo qabashada doorasho cusub. Waxaa jira howlo kale oo badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin.
Nidaamkna la yiraahdo-( primeministerial system), waa mid ay aad u yar tahay awooda uu leeyahay madaxweynaha dalka. Dastuurkuna waxaa uu u ogol yahay howlo yar-yar oo loogu talo galay in madaxweynuhu uu xushmad iyo odaytinimo ku helo (President has ceremonial duties). Howlahaas madaxweynaha waxaa ka mid ah:
. Soo bandhigitaanka ama soo jeedinta qofkii noqon lahaa raysul-wasaare , doorashada dalak ka dib
. Qaabilaada madaxda dalka soo booqata ( la soco waa qaabilaad xushmadeed, ee howsha iyo kala saxiixashada heshiisyada iwm waxaa iska leh raysul-wasaaraha)
. Madaxweynuhu waa taliyaha guud ee ciidamada
Soomaaliya:
Dastuurka haatan u yaal dalka soomaaliya ayaa waxaa uu yahay mid ah -( primeministerial system) kaas oo sidaan kor kusoo sheegnayba awooda ugu weyn ee maamulka dalka uu leeyahay Raysul-wasaaruhu. Awooda waxaa saldhig u ah raysul-wasaaraha iyo dowlada.(The executive power lies with the government, or cabinet and the prime minister). Madaxweynaha waxaa keliya oo howlihiisa la arkaa markii uu qaabilaayo madax dalka timid oo la doonaayo in la tuso xushmad iyo soo dhoweyn. Arintaasina waa sida uu sharciga iyo tastuurku qoraayo. Shaqada madaxweynaha iyo raysul-wasaaruhuna waa mid kala qaybsan oo aan marna isdhexgeli Karin ama aan la isku qasi Karin.
Beryahaan waxaa si cad usoo baxaayey jahwareer ka taagan qaabka ay shaqadu ugu kala qaybsan tahay madaxweynaha soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo Raysul-wasaare Cabdi Shirdoon( Saacid). Waxaa muuqda in madaxweynuhu uu aad ugu dhexjiro uuna si toos ah u qabanaayo shaqadii uu lahaa raysul-wasaaraha. Tusaale ahaan; safarada shaqo ee dibada loo tago oo laga dhaxlo heshiis ama abuuritaan xiriir kaasoo keeni doona in dowladu ay fuliso heshiisyadaas. Sahqada noocaan ah lehna shuruuda aan xusay waxaa iska leh raysul-wasaaraha iyo xubnaha kale ee dowlada.
Haddaad si fiican oo hufan aad diirada u saarto qaabka ay u socoto siyaasada soomaaliya wakhtigaan xaadirka ah waxaad arkeysaa in doorkii madaxweynuhu lahaa iyo kii raysul wasaaruhu lahaa ay isbedeleen. Howshii raysul wasaaraha waxaa qabanaaya madaxweyne Xasan Sh Maxamuud halka raysul wasaare saacidna uu la wareegey doorkii madaxweynaha ee ahaa mid xushmadeed (Ceremonial duties). Arintaasi waa mid aan waafaqsanayd nidaamka Dastuuriga ah ee u degan dalka soomaaliya. Waxaana laga doonayaa in Baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu labadaan masuul, madaxweynaha iyo raysul wasaaraha u kala caddeeyo howshooda si ay u noqoto mid sharciga waafaqsan.
Qore: C/risaq Maxamed Xuseen
Master degree in Economics and international relations
habdirisak@hotmail.com
Eskilstuna, Sweden
Recent Somali tweets
- 1 of 1588
- ››
