Maxaad ka Garanaysaa Taariikhda Orodyahan Mo Farah? (Wax ka baro)

Axad, 05/08/2012Orodyahanka caanka ah ee Waddanka Ingiriiska, Asal ahaantana ka soo jeeda Soomaaliya Mohamed Farah "Mo Farah" ayaa xalay taariikh cusub u dhigay Dunida, kaddib markii uu ku guuleystay Orodkii 10,000m ee ciyaaraha Olombikada London 2012 ee ka dhacay garoonka Olympic Stadium ee magaallada London.Mo Farah ayaa xalay si geesinimo iyo karti leh uga dheereeyay Orodyahanka reer Ethiopia ee Record-kiisa la loodin waayay Kenenisa Bekele ee haystay Record-ka Orodka 5,000m iyo 10,000m.Xaaskiisa Tania oo u sidda Uur Mataano ah iyo gabadhiisa Rihanna ayaa si kalgacayl leh ugu hambalyeeyey Mo Farah guushaasi uu gaaray, iyadoo sidoo kalena taageerayaashii Ingiriiska ee garoonka soo buuxiyay ay u sacab tumayeen Halyeygani caanka ah ee Ingiriiska u soo hooyay Billado aysan weligood horey u qaadin.Waxay ahayd habeen qiimo gaar ah ugu fadhiya Ingiriiska oo xalay ciyaartoydiisu soo hooyeen saddex Billadood oo Dahab ah, waxaana sidoo kale Greg Rutherford oo ku tartama Boodada dheer (Long Jump) uu billad Dahab ah usoo hooyay Great Britain kaddib markii uu booday 8.31m, halka Jessica Ennis ay iyadana ku guuleysatay Orodkii 800m ee Dumarka waxaana ay ku oroday 2-daqiiqo iyo 8.65-Ilbiriqsi.Orodyahan Lord Coe oo laba jeer ku guulestay Horyaalnimada Orodka 1500m ee ciyaaraha Olombikada ayaa oo ka hadlayay guushan taariikhiga ah ayaa waxa uu yiri "Waxay ahayd habeenkii ugu fiicnaa taariikhda Ciyaaraha Orodka ee Ingiriiska".Haddaba Waa kuma Mo Farah?Mo Farah waxaa uu ku dhashay Magaallada Muqdisho, sida ku cad boggiisa Internet-ka ee www.mofarah.com, sanadku markuu ahaa 23-kii March 1983-kii, dhererkiisu waa 1.75m, halka culeyskiisuna yahay 56 kg, waxa uu ku tartamaa Orodada 1500m, 3,000m, 5,000m iyo 10,000m isagoo xusay in uu ku biirayo Orodka dheer ee Marathon-ka kaddib ciyaaraha Olombikada London 2012.Waxa uu ku ordaa magaca Naadiga "Newham and Essex Beagles Oregon Track Club", isagoo sanadkii 2011-diina u guuray Gobolka Portland ee dalka Mareykanka si uu u sii hor mariyo Ciyaarihiisa Orodka.Farah oo jebiyay Records caalami ah oo Yurub iyo Adduubkaba ah waxa uu haystaa oo cidi ugu tagi weysay Horyaalnimada Yurub ee Orodka 10,000m, Record-ka Ingiriiska ee Orodka 10,000m, Record-ka Ingiriiska Orodka 3,000m, Ricord-ka UK ee Orodka 5,000m iyo Half Marathon-ka Ingiriiska.Marka ay timaaddo Yurubna waxa uu heystaa record-ka Orodka 5,000m ee Europe iyo record-ka 10,000m ee Yurub oo uu ku guuleystay bishii January 2010-kii, taasoo uu ku noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Ingiriis ah ee abid ku guuleysta Billadda Dahabka ah ee Orodada 10,000m ee Yurub, isagoo sidoo kalena ah ciyaaryahanka kaliya ee Ingiriis ah ee Abid ku guuleysta Orodka 5,000m, halka sidoo kalena xalay uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee Ingiriis ah ee Abid ku guuleysta Billadda Dahabka ee Olombikada markii uu qaaday Orodkii 10,000m ee xalay 04/08/2012 ee Olombikada London.Noloshiisii hore iyo Waxbarashadiisa:Mohamed Farah waxa uu ku dhashay sida ku qoran diiwaanka taariikhdiisa magaallada Muqdisho Somalia, 23-kii March, 1983-kii, markii ay dheceen dagaalladii sokeeye ee Aafeeyey dalka Soomaaliya waxa uu u guuray dalka Djibouti, waxaana kaddibna u sii gudbay waddanka Ingiriiska isagoo 8-jir ah.Waxa uu waqtigaasi ku hadlayay erayo yar oo Ingiriis ah, Aabihiis waxa uu ku dhashay Ingiriiska, isagoo ku soo koray Hounslow oo ah hareeraha magaallada London, waxaana waalidiinta Mo Farah ay kulmeen waqti Aabihii uu fasax u tagay Soomaaliya.Dhinaca Waxbarashadiisana waxa uu ku soo qaatay "Feltham Community College" ee ku yaalla magaallada London, waxaana xirfaddiisa ku aaddan dhinaca Orodka Daah furay macallinkiisii dhinaca Isboortiga Alan Watkinson xilligii uu dhiganayay (Isleworth and Syon School), kaasoo markii dambe yiri "Markii ugu horreysay ee aan kulanay waxa uu la halgamayay College-ka, gaar ahaan waxa uu yara ku liitay dhinaca Luqadda, wuxuu u baahnaa in lagu dadaalo, anigana waxaan ku qaaday garbahayga, waxa uu aad u xiiseyn jiray Kubadda Cagta, waayo marka uu garoonka ciyaarayo aad ayuu u dheereyn jiray, taasoo aan ka gartay xirfaddiisa dhabta ah".Macallinkiisii hore waxa uu sheegay in Farah Hammigiisu wuxuu ahaa in uu mar uun Garabka Midig uga ciyaaro kooxda Arsenal, taasoo uu ku dhiirri geliyay isagoo u ogolaaday in uu in uu 30-daqiiqo ciyaaro ciyaarta Kubadda cagta waqtiga uu tababarka qaadanayo.1996-kii, "Mo" isagoo 13-jir ah waxa uu ka qayb galay tartankii Orodada Dugsiyada Ingiriiska (English Schools cross country) waxaana uu galay kaalinta 9-aad, isagoo sanadkii xigay ee 1997-kiina ku guuleystay kaalinta 1-aad ee tartankii Orodka Dugsiyada Ingiriiska.Billaddiisii weyneyd ee ugu horreysay waxa uu Farah ku guuleystay Orodkii 5,000m Horyaalkii Orodada da'yarta Yurub (European Athletics Junior Championship) 2001-dii, waxaana isla sanadkaasi uu tababar ka bilaabay (St Mary's University College ee Twickenham) isagoo sanadkaasina noqday mid ka mid ah labada Orodyahan ee ugu wanaagsan Dugsigaasi isagoo khibrado badanna ka soo faa'iiday ka hor intii uusan si toos ah u noqon orodyahan buuxa.Sanadkii 2005-tii Mo Farah waxa uu sameeyay howl wanaagsan isagoo tababar la qaatay Orodyahanno caan ah oo ay ka mid yihiin Craig Mottram oo u dhashay Australia iyo koox Orodyahanno Kenyan ah oo uu ku jiray orodyahankii hore ee Kenya ee ku guuleystay orodka 10,000m ee dunida Micah Kogo, iyagoo meel qura ku wada seexan jiray, ku cunteyn jiray, tababarna ku qaadan jiray, taasoo cashirro dheeraad ah uu ka faa'iiday Farah oo si weyn u dadaalayay.2006-dii Mohamed Farah waxa uu ku orday 13-daqiiqo 9.40-Ilbiriqsi orodkii 5,000m, waxaana uu noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu orodka badnaa Ingiriiska ee ku xigsada Dave Moorcroft isagoo bil kaddibna kaalinta labaad ka galay Horyaalkii Orodka Yurub ee 5,000m ee ka dhacay Gothenburg.Qofina dhiirri gelin la'aan horey uma socdee, waxaa macallimiinta kala ah Alan Storey, Mark Rowland iyo Paula Radcliffe ay niyadda u dhiseen Farah oo weli xusuusta hadalladii ay ku tiri Paula ee ahaa "Horey u soco oo geessi noqo, naftaadana ku kalsoonaaw" waxaana Bishii December 2006-dii Mo Farah uu ku guuleystay Horyaalkii Orodka Qaaradda Yurub ee ka dhacay Talyaaniga, isagoohelay billad dahab ah.Guulihii Farah ee 2009-2010:Bishii January 2009, Farah waxa uu record cusub u dhigay Ingiriiska, isagoo jebiyay Record-kii John Mayock ee orodka 3,000m isagoo ku orday 7-daqiiqo 40.99-ilbiriqsi, orodkaas oo ka dhacay Glasgow - Scotland, dhowr toddobaad kaddibna waxa uu isla isaga jebiyay record-kaas isagoo keenay 7-daqiiqo 34.47-Ilbiriqsi tartankii lagu qabtay Birmingham.Farah oo tababar culus ku soo qaatay Ethiopia iyo Kenya ayaa waxa uu Bishii March 2009 ku guuleystay Billaddii Dahabka ahayd ee orodkii 3,000m ee ka dhacay magaallada Turin ee Talyaaniga, waqtiga uu ku ordayna waxa uu ahaa 7-daqiiqo, 40.17-Ilbiriqsi.2010-kii waxa uu ku guuleystay Orodkii 10,000m ee London (27:44) oo uu ku jebiyay record-kii taariikhiga ahaa 10,000m ee u dhashay Kenya Micah Kogo.Waxa uu mar kale tababar u aaday Africa, isagoo dibna ugu soo noqday Europe isagoo ku guuleystay Biladdii Dahabka ee Orodkii 10,000m ee Horyaalnimada Yurub ee lagu qabtay Barcelona, isagoo waqtiga uu ku ordayna uu ahaa 28:24.99.19-kii August 2010-kii kulankii 5000m ee Diamond League ee magaallada Zurich ee dalka Switzerland Farah waxa uu ku orday 12:57.94, isagoo jebiyay Record-kii muddada dheer la jebin kari waayay ee David Moorcroft, waxaana uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee Ingiriis ah ee Abid ku orda wax ka hooseeya 13-daqiiqo.Bishii December 2010-kii waxaa Xiriirka Olombikada Inigriiska ay Mo Farah u magacaabeen Orodyahanka sanadka 2010 ee orodka dheer ee ugu wanaagsan guud ahaan Ingiriiska.2011-dii Billadihii uu ka soo hooyay Yurub iyo Caalamka:Isagoo sii wata guulihiisa Mo Farah waxa uu 8-dii Bishii January 2011 afka ciidda u daray afartii orodyahan ee ugu fiicnayd Yurub tartankii Orodka ee lagu qabtay Edinburgh-Scotland, isagoo ku guuleystay tartankaasi.Bishii February 2011-kii Farah waxa uu u guuray Portland, Oregon ee Mareykanka, si uu cashirro uga helo tababarihiisa cusub Alberto Salazar oo ah isla macallinka tababara Orodyahanka galay kaalinta 2-aad ee orodka 10,000m ee ciyaaraha London ee ka daba maray Mo Farah, Galen Rupp, iyadoo ay saaxiibo isku dhow yihiin Mo Farah; taasoo laga dareemayay dhammaadkii kulankii 10,000m ee London ee xalay sida ay isugu hambalyeynayeen.20-kii March 2011, Farah waxa uu qaaday Orodkii Half Marathon-ka New York, isagoo ku orday waqti dhan 1:00:23, taasoo noqonaysa Record cusub oo uu u dhigay Ingiriiska.3-dii Bishii June 2011 Mo Farah waxa uu ku guuleystay kulankii Diamond League ee ka dhacay Oregon - USA waxaana uu galay kaalinta 1-aad; isagoo ku orday 26:46.57.22-kii July 2011, waxa uu Mo Farah wacdaro ka dhigay Orodkii 5,000m ee Monaco - France, isagoo waqtiga uu ku ordayna uu ahaa 12:53.11, taasoo ah record cusub oo uu dhigay Ingiriiska.Isla sanadkii 2011, Tartankii Horyaalka Orodka Dunida ee ka dhacay Daegu - South Korea Mo Farah ma uusan helin billaddii dahabka ahayd ee 10,000m isagoo taa beddelkeeda nasiib u yeeshay billadda Qallinka ee kaalinta 2-aad, inkastoo isla tartankaasi qaybtiisa 5,000m uu ku guuleystay Billad Dahab ah, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Ingiriis ah ee Abid ee Billadahaasi ka soo hooya Dibadda, waxaana labadaasi tartan 10,000m uu ka guuleystay orodyahanka reer Ethiopia Ibrahim Jeilan Gashu, halka orodka 5,000 mitirna uu ka hor maray Orodyahanka reer Mareykan ee asal ahaanta ka soo jeeda Kenya Bernard Lagat.Dhinaca Noloshiisa Shaqsiyadeedna Mo Farah waxa uu bishii April 2010 uu London ku guursaday gabadha ay muddada dheer xiriirka jaceyl ka dhexeeyay ee Tania Nell, waxaana Farah u joogta gabar lagu magacaabo Rihanna oo ay u dhashay Haweeney kale, iyadoo labadan Lamaane ay haatan sugayaan ilmo lagu sheegay Mataano Gabdho ah oo la filayo in xaaskiisa ay u dhasho Bisha September 2012 haddii ILAAH yiraahdo.Mo Farah oo 29-jir ah, Dhinaca Islaanimadana ku fiican waxa ay saxaafaddu sheegeen in uusan soomanayn Bishan Ramadaan, isagoo xusay inuu gadaal ka gudi doono soonka dhaafay dhammaadka sanadkan, waxaana orodyahankan uu ku caan baxay mar walba oo uu orodka dhameeyo in uu Sujuudo uu ILAAH uga mahad celiyo Libinta uu gaarsiiyay.Guushan uu gaaray Mo Farah waxa hubaal ah in ay sharaf weyn u tahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo waddanka uu calankooda kor u sido ee Ingiriiska, iyo dhammaan saaxiibadiisa ku kala nool dunida waxaana ciyaaryahankan uu erayo farxadi ku dheehan tahay ku qoray website-kiisa gaarka ah iyo boggiisa facebook-ga, waxaana erayadaasi ka mid ah "Waxa uu ahaa Orod 10,000m oo lagu farxo" "Si adag u dadaal ama gurigaaga iska aad".Geba-gebadiinna waxaan Mo Farah u rajaynayaa mustaqbal iyo horumar intan ka sii ballaaran, waxaana dhammaan Bahda GOOL FM oo wada jir ah ay mar kale leeyihiin Hambalyo. Farxaddii Mo Farah ee guushii Orodka 10,000m Olombikada LondonMo Farah oo sida Gantaalkii ugu sii socda Khadka gebagebada ee Orodka 10,000m Olombikada London.Farah oo ka guuleystay Kenenisa Bekele, Ethiopia iyo Kenyana yiri si fiican u soo barta OrodkaMohamed Farah oo rumeysan la' guushii taaariikhiga ahayd ee 10,000mMo Farah oo ku guda jira Sujuud dhammaadkii tartankii Orodka 10,000 ee London OlympicsFarah oo salaamaya taageerayaashii garoonka Olympic Stadium ee London, muujinayana astaanta jaceylka (Love).Mo Farah oo dhunkanaya gabadhiisa Rihanna oo farxad darteed hal Kob ka luntay.Kaamiriisteyaal ku hareereysan Mo Farah, sawirrana la gaaraya. Halkan ka daawo sida Mo ugu guuleystay Billadda Dahabka ah. GOOL FM Waxaa Diyaariyay: Yaxye Yuusuf Khasaaro Rennes - FranceEmail: yaxyekhasaaro@hotmail.com Read more about Maxaad ka Garanaysaa Taariikhda Orodyahan Mo Farah? (Wax ka baro)