Maxkamad ku taala magaalada Hargeysa oo xukuno kala duwan ku riday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland oo lagu eedeeyay…
Mas’uuliyiinta Maxkamadda magaalada Hargeysa oo shalay fadhi ay albaabadu u xiranaayeen yeeshay ayaa ugu dambeyntii waxay xukun ku rideen sedexdii mas’uul oo muddooyinkii dambe u xirnaa musuqmaasuq ay ku sameeyeen sida la sheegay raashinkii mucaawino ahaa oo lagu tagri falay, kuwaas oo kala ah Guddoomiyihii magaalada Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi {Xamarje}, La taliyihii Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cismaan Jaamac iyo Agaasimihii guud ee wasaaradda dib u dejinta Axmed Cilmi Barre.
Maxkamadda Hargeysa ayaa waxay Guddoomiyihii magaalada Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi {Xamarje} iyo Agaasimihii Guud ee wasaaradda dib u dejinta Axmed Cilmi Barre ku xukuntay midkiiba sedex sanadood oo xarig ah ka dib markii lagu helay inay fududeeyeen raashinka mucaawimada ahaa ee la musuqay.
La taliyihii Madaxweyne ku xigeenka Siciid Cismaan Jaamac ayaa isna lagu xukumay 1-sano iyo sedex milyan oo shilin oo ganaax lacageed ah inuu bixiyo, waxaana maxkamaddu sheegtay in lagu helay xil-gudasho la’aan, sidoo kale waxaa maxkamaddu xarig dhan 4-illaa todoba sanadood ay ku xukuntay Axmed Maxamud Geelle {Timcade} oo ah Guddoomiyaha NGO-ga Siwo, Ibraahin Cumar Maxamuud {Maqane} xubin NGO-gaasi ka mid ah, Xuseen Axmed Xayd Sakaaro {Maqane}, Cabdi Shakuur Cabdi Nuur Ganacsade degan Hargeysa, Faadumo Cali Guuleed {Maqane} iyo Dayr Aw Faarax Maxamud {Maqane}.
Maxkamadda magaalada Hargeysa waxay xoriyadooda u soo celisay laba nin oo ka mid ahaa eedeysaneyaashii kiiskan, halka shan nin oo kalena maxkamaddu iyagoo maqan ku xukuntay xarig dhan 4 illaa 8 sanadood midkiiba, qareenka difaacayey sedexdan mas’uul Xildhibaan Maxamed Saalax oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ka hadlay xukunka maxkamadda oo uu ku tilmaamay inay ku qanacsaneyn oo ay ka qaadan doonaan racfaan sida uu xukunku u dhacay.
Si kasta oo ay ahaataba mas’uuliyiintan shalay xukunka lagu riday ayaa waxaa la qabtay 10-kii bishii March ee sanadkan, waxaana isla maalintii la xirayba uu Madaxweynaha maamulka Somaliland ka qaaday xilalkii ay hayeen, isagoo ku sababeeyay inay ku lugyeesheen musuqmaasuq iyo wax isbamarsiin.
Dhanka kale ciidamada ammaanka ee magaalada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay agaasimihii hay’adda wadaniga ah ee Candlelight Axmed Ibrahim Cawaale, ka dib markii buug uu qoray uu abuuray dareen xaasaasi ah, Mr. Axmed ayaa wuxuu dhawaan soo saaray buug magaciisu yahay dirkii sacmaalada oo uu qaybo ka mid ah ku soo qaatay isirka beelo ka mid ah Soomaalida oo ay ku jiraan kuwo reer Somaliland ah, taas oo abuurtay dareen xaasaasi ah oo bulshada dhexdeeda ah.
