Michael Owen oo u dhaqmay si aan horay looga baran, loona taag hayo in la ciqaabo + Sawirro

Axad, 03-02-2013.

Xiddigii hore ee xulka Ingiriiska iyo kooxaha Liverpool iyo Man United ee iminka u safta kooxda Stoke City ee Michael Owen ayaa loo taag hayaa inuu ciqaab kala kulmo xiriirka FA-ga dalka Ingiriiska kaddib markii uu feeray Arteta ee u safta Arsenal.
Arsenal ayaa 1-0 kaga adkaatay kooxda Stoke City, iyadoo dagaal iyo is qab qabsi uu ka dhacay garoonka, Michael Owen ee isagu daganaanta looga bartay ayaa habeenkii xalay ahaa waji cusub la soo baxay iyadoo badel lagu keenay qeybihii dambe ee ciyaarta.
Owen ayaa feer ku tuuray Arteta kaddib markii uu Arteta si xun u raacday Owen iyadoo Owen uu sidoo kale xanaaqiisa kala dul dhacay xiddiga da’da yar ee Arsenal ayna dhalashada wadaagaan ee Jack Wilshere dagaalna ula jeestay.




GOOLFM