Musiibada Heysata Dalkeena Maxa Sabab U ah ,iyo see looga bixi kara !!!!!

 
Waxa Soomaali badan ay damceen in ay xal u helaan arimaha somalia , waxa la iskugu tagey shirar badan dibada dalka somalia . Waxa ka qeyqaatey aqoon yahaano ,culumadii dalka  lahaa , fanaaniintii iyo dadkii caanka ka ahaa Soomaaliya dhankey donaan haku caan baxaane , lakiin nasiib daro xeerada salkeeda lama gaarin oo si fiican arimaha somalia looma xalin, sababtuna waxay tahay bulshadu wey jiran tahay  Qofka haduu jiran yahay oo uu yahay bukaan wax ma daweyn karo , oo isagaa dawo u baahan.
Waa in aanu ka hadalno labo wax oo ay somali kala saari la dahay oo salku leh burburkii Soomaaliya , labadan shey ayaa waxa ay sal ku lee yihiin burburkii somalia , waa hadii ay somalida ay fahmaan waxa ay ku kala duwan yihiin labadan shey.
1. Mucaarad + Mucaaradnimo
2. Jabhad + jabhadnimo
Waa maxay mucaarad horta marka hore aniga aragtideyda waa shakhsi ama group kasoo horjeeda siyasada nidaam ay diidan yihiin , mucaaradnimadooduna waxa ay ku dhisan tahay waa waxa uu haleeyay nidaamkaas in ay hagaajiyaan , waxaana ay ku shaqeeyaan nidaam madani ah ,oo aan aheyn mid dalka kacdoon hubeysan lagaga soo horjeesanayo ee waa  nidaam xisbi ama nidaamyada kale oo uu qofku ku du dumineyn waxa horey loo dhistay oo ah Dowlad dadkoo dhan  ka dhaxeysa.
Jabhadi waa burburin dal waana kacdoon lagu burburinayo dal sideedaba , jabhad maaha badana in ay tahay mid wada wax maslaxad ugu jirta dal iyo dadba , sidaas darteed ayaa waxa haboon in ay somalidu baaritaan ku sameyaan wixii somalia jabhado soo marey ma maslaxadii dalkey wadeen mise burburkii somalia , waxaan u maleynaya waa su+aal looga baahan yahay in uu qofkasta isweydiiyo oo Soomaali ah , markey soomaalidu kala saarto labadan shey , waxaan qaba aniga marka in talaabo horey loo qaadey.
Talabada xigeysa ayaa waxay tahay marka , ragii jabhadahan asaasay dalka burburkiisa miyey ka qeyb qateen mise dhismihiisa waa iyaduna su+aal in la isweydiiyo u baahan. Dad badan ayaa waxa ay sitaan oo xanbaarsan yihiin jaceyl dartiis iyo ixtiraam dadkii dalka burburiyey , waxayna doonayaan in ay iyagoo fikirkaas ka dhaadhacsan yahay in ay somali xal u raadiyaan. Maamulo sida kan somaliland oo kale ayaa waxa uu ku dhisan yahay nidaamkii  burburintii somalia , waana muhiim in la saxo tariikhda khaldan ee la doonayo in loo gudbiyo jiilalka soo socda ee somaliyeed.
Wixii dalka jabhado oo soo marey waa in la isku raaco in ay doorweyn ku lahayeen burburkii Soomaaliya , oo waxa u furna in ay sameyaan nidaam xisbiyeed ama in ay mucaarad aan hubeysneyn noqdaan. waxa waxaas oo dhan ka darna goortii ay ka heleen casumaad nidaam cadow ku ahaa umada soomaaliyeed oo hubeyntooda iyo dhaqaleyntoodaba wadey. Nidaamkaas oo maslaxada kaliyoo uu ka laha ay aheyd sidii uu u burburin laha somalia .
walaalayaal jabhad walba waa qabiilkasta ee aan nacaladno jabhadihii dalka soo marey iyo madaxdoodiiba ,markaas ayaanu gaareyna talaabo na gaarsiisa xalka Soomaaliya ee anagoo xanbaarsan nidaamyada noocan oo kale ma dhici karto in aan xal u raadino Soomaaliya.
Dr : Ali Warsame