Olole Nadaafadeed oo ka bilaawday dagmada C/casiis “sawirro”
Olole Nadaafadeed oo qeyb ka ah bilic soo celinta magaalada Muqdisho ayaa si habsami leh uga soconaya Dagmada C/casiis ee gobalka Banaadir iyadoo sidoo kale Ololaahaasi uu si guud uga soconayo dhamaan dagmooyinka Gobalka Banaadir.
Ololahan nadaafadeed ee maanta ka bilaawday dagmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa ah mid ay ka qeyb qadanayaan shacabka ku dhaqan dagmadaasi, waxana uu ka socda dhamaan Afarta Waaxood oo ay ka koobantahay.
Guddoomiyaha dagmada C/casiis C/llaahi Xasan Xuseen oo la hadlay warbaahinta Qaranka xili uu kormeerayay goobaha ay ka socdeen nadaafadda ayaa sheegay in shacabka dagmada C/casiis ay diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tartanka loogu jiro nadaafadda kaas oo uu ku dhawaaqay R/wasaaraha Soomaaliya in la siinayo lacag abaal marin ah dagmadii gasho kaalinta koowaad.
Sidoo kale guddoomiyahay ayaa intaasi ku daray in qaar ka mid ah haweenka ka qeyb qaadanaya ololaha nadaafadda ay horay ugu shaqeyn jireen iskaa wax u qabso iyagoo dhiira galin ka helaya hay’adda DRC.
Dhowaan ayay aheyd markii uu R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ku dhawaaqay in abaalmarin lacageed oo gaareysa 15 kun oo doolar la siin doono dagmadii gashaa kaalinta koowaad.
Photo By Xasan Carab
Recent Somali tweets
- 1 of 1544
- ››
