Qabiilnimo iyo Qoray Caaradiis

By Abdurahman Abdullahi (Baadiyow)
Email: abdurahmanba@yahoo.com
March 6, 2010
“Haddii kooxda madaxda ku noqday qoraga caaradiisa (jabhadihii hore iyo kuwii dambe) ay ka tanaasulaan xukunka, kuwa hadda xukunka ku doonaya qoraga caaradiisa ayaa albaabku ka xirmi lahaa”.
Bulshada Somaaliyeed dhexdeeda waxaa maalmahaan ka socota sheekooyin iyo doodo cusub oo ku saabsan sida laga yeelaayo mustaqbalka Somaaliya iyo dawladnimada. Dadka intiisa badan waxey ku hungoobeen degdegtii ay ka rabeen in DFKM wax ku qabato oo suuragal noqon waysay. Kuwa kale, waxey ka niyadjabeen magaca Islaamka oo maalin kasta lagu dilaayo ruux Muslim ah oo aan wax dambi ah galabsan. Kuwa kale, waxey la yaabanyihiin madaafiicda ‘Indhoolaha ah” oo ay iska tuurayaan ciidanka AMISOM oo dadka rayidka ah ku dhimanaayaan. Sheekooyinkaas waxaa ka mid ah in lala yaabanyahay dhaarta joogtada ee ah in dawladdu soo afjareyso dagaalka iyo ficil la’aanteeda. Waxaa dad badan quus ka joogaan dawladda iyo mucaaradka. Laakiin haddii la weydiiyo maxaa tallo ah, waa is-afjigayaan. Tallo ma hayaan!!! Dadka intiisa badan waxey welli taladaba ka sugayaan shisheeye, dawlado ajnabi ah, beesha caalamka, dawladda Mareykanka iyo reer Yurub, Jaamicadda Carabta, Midawgga Afrika, gaar ahaan Itoobiya!!! Aragti xumo iska dheh!!
Dhanka kale, waxaa Somalidu ku waalatay shirar iyo dib-u-heshiisiin aan dhamaad laheyn. In ka badan 20 sanno ayaa la hadal hayay dib-u-heshiisiin been ah oo aan waxba soo kordhin. Maxaa yeelay, ujeeddada dib-u-heshiisiinta ayaa khaldaneed, dadka loogu yeerayo ayaa khaldanaa, kuwa maamulaya ayaa inta badan niyad xumaayeen. Wararka cusub maalmahaan waxey sheegeysaa in dib-u-heshiisiin loo sameeyay dawladda iyo Ahlu Sunna wa-Al-Jamaaca, goorma ayey dirireen? Waxaa dib-u-heshiisiin ku baaqay Jaamicadda Carabta, madaxweynuhu wuxuu sheeegay waa iney soo fadhiistaan mucaaradku miiska dib-u-heshiisiinta. Waa maxaay micnaha dib-u-heshiisiintu? Ma kuraasta xukunka oo la qeybsadaa, dabadeedna aan waxba la qaban? Ma in baarlamaanka la kordhiyaa tiro qiima jebisa jiritaankiisa? Ma in xukumadda hadda faraha badan la sii badiyaa? Yaa heshiinaya ..yaase lala heshiinayaa? Ma waxa lala heshiinaya kooxda hadda xukunka haysata oo waxaa la heshiinaya kuwa hadda qoryaha sita? Mise waxaa heshiinaya Somaalida oo dhan oo waxaa laga hadlayaa sidii loo sameyn laha dawlad aan loo kala sokeyn oo ruuxa hubeysan iyo kan aan hubeysneyn, wadaadka iyo waranluhu u simanyihiin? Jawaabaha su’aalahasu waxey nagu baraarujinayaan inaan dib u fiirinno fikirka khaldan ee dib-u-heshiisiinta iyo iney noqotay qaab lagu dumiyo maamulkii la sameeyaba iyo qaab lagu bedelo dawaldii loo boggi waayo. Laakiin, ujeedadu ma aha dadka Somaaliyeed ha ku heshiiyaan qaabka dawaldnimada ayaga oo xor oo ku heshiinaya geedka nabadda hoostiisa iyo dalkoodu gudihiisa!
Arimahaas aan soo sheegnay waxey horseedayaan niyad-jabka iyo rajo-xumo. Dhab ahaantii, Somaalida waxaa gabay waa aqoonyahaanadooda ama kuwa sheegta aqoonta aan malaha “nacfiga laheyn” oo ah in laga cawdi-bilaysto. Aqoonyahaannada naftootooda ku mashquulsan oo aan dareesaneyn waajibka ka saaran dalkooda ayaga kama hadlayno oo baraarujin ayey u baahanyihiin. Waxaan ka hadlayaa waa aqoonyahaannada shirarka joogtada loogu arko, naq-raaca ah, xollo-doon ah, xaraan-cunayaalka ah, damiir laawa yaalka ah. Waxaa la arkaa oo la maqalaa markii shir dib-u-heshiisiin la qabanayo iyo markii xukun la qeybsanayo. Aqoonyahaannadaas intooda badan waxey shaqo ka dhigteen iney ku faaloodaan xalladeynu sida ay murugsantahay. Iney tusiyaan dadka iney wax qori yaqaanin, markii la soo gaaro gunaanadka qoraalka oo ah maxaa tallo noo ah, qoraalkoodu jawaab ma laha! Fikir ma xambaarsana, waa talo-laawayaal. Waxa kaliya oo ay garanayaan waa is-eedeynta, eed-sheegashada iyo far-isku-fiiqa. Waxaan isku dayay inaan doodo la furo aqoonyahaano badan safaro badan oo aan ku maray dhawaan dalal ku yaalla Afrika, Aasiya, Yurub iyo Amerika. Doodahaas qaar waxey ku dhaceen taleefoonka, kuwa kale emailka, kuwa kalena waxey ahaayeen dood aan is-hor fadhiisannay waji ka waji iyo koox–koox.
Doodahaas waxaan kala soo baxay faham cusub ee arimaha Somaaliya iyo sida caqliga Somaaliyeed uusan welli diyaar ugu aheen inuu ka gudbo dhibaatada dawlad la’aanta. Dabcan, aniga niyad-jab iguma ridin, laakiin waxey igu sii adkeysay garashada heerkeynna iyo culeyga hawsha na hortaalla. Waxaa cadaatay in asalka dhibaatadeynu ayan ahayn niyad-xumideynna, ficil-xumadeynna, xoollo-boobkeynna, qabyaaladda iwm. Arimahaas oo dhan waxyaabo la mid ah ayaa ka jira caalamka oo dhan. Laakiin dhibaatadeynna waxaa sal u ah “inaan garaneyn dawladnimada iyo meesha ay naga jirto, iyo inaan garaneyn inaan garaneyn”. Haddii aan garaneyno inaan garaneyn, waxaan baran laheyn 20kii sano ee la soo dhaafay, laakiin nasiib daro sidaas ma garaneyno. Dawladnimadu agteynna aqoon uma baahna, waayo-aragnimo uma baahna, ruux kasta waa yaqaanaa!! Waxaan hadda ka hor ku tilmaamay inaan “qiblada dawladda” ka habowsanahay oo sida ruxii aan u jeesan qiblada aan salaadiisa loo aqbaleyn, ayaan dawaldnimadaynu ayan u ansaxeyn. Waxaan horey ugu soo sheegay maqaallo aan qoray in dawaldnimadu u baahantahay afar tiir: muwaadinnimo (ma aha qabiil-qabiil), qaanuun (ma aha sida madaxdu rabto), qaraanka oo la bixiyo (canshuurta) iyo degaanka oo la sugo (inaan la guurguurin). Intaasna ay maamulan dad garanaya.
Waxaa tusaale noogu filan, haddii aan ku cibro-qaadaneynno, in muddo ka badan 40 sano (1969-20010) labo qaab oo kaliyah dawaldnimada lagu raadinaayay: QABILLNIMO iyo QORAY CAARADIIS, labaduna waa dumiyaan dawladnimada ee ma dhisaan. Waa qabiilnimo, maxaa yeelay qaab kale oo reer magaalnimo ah waa isku abaabuli weynay. Xisbiyo fikrado ku dhisan oo reernimo aan ku dhisneyn waa sameyn weynay. Yaa sameyn waayay? Intaynna mutacalimiinta sheeganayasa ayaa sameyn waayay, markaas ayaan daba galnay odayaasha dhaqanka. Xisbiyadu waxey keenaan in loo tartamo xukunka oo ku timaada si nabad ah. Laakiin, haddii tartan xalaal ah la waayo, waxaa furmaya albaabka sheydaanka oo ku dhisan in la is xoogo oo qoraga caaradiisa la isku maquuniyo. Qoray xukun-ku-maquuniskii 1969, wuxuu dhalay jabhado qoray wax ku maquuniya, wuxuu dhalay wadaado qoray wax ku maquuniya. Meelaha qoray in la isku maquuniyo la iska daayay oo caqligu taliyay oo lagu tashaday, sida Somaliland iyo Puntland, qabiilnimadii oo sideedii ah ayaa maamul iyo dawalado laga dhisay. Haddaba, waxaa laga xurobay ugu horeyntii xukun ku maquuninta “Qoragga Caaradiisa”, waxaana la baabi’yay jabhadihii, waxaana tashaday waxgaradkii. Haseyeeshee, inta ay joogaan koox madax ku noqotay QORAGA CAARADIISA, waxaa jirayaa koox ku rabta xukunka QORAGA CAARADIISA. “Haddii kuwa hadda madaxda ku ah qoraga caaradiisa (jabhadihii hore iyo kuwii dambe) ay ka tanaasulaan xukunka, kana tooba keenaan khaladaadkii hore, kuwa kale oo xukunka ku raba qoraga caaradiisa ayaa albaabku ka xirmi lahaa”. Laakiin sidaas suuragal ma tahay? Ma yeelli karnaa?
Gunaanadkii, adeegsiga xooga iyo abaabulka magaca qabiilka waxey horjoogsadeen siyaasad xalaal ah iyo dawlad xalaal ah oo ka dhalata Somaaliya. Jiritaanka xisbiyada siyaasadeed iyo waxgaradka Somaaliyeed oo isku raacan iney diidaan xoog adeegsiga, taageridda koox xoog wax ku xukunta, waxey bilaw u noqon kartaa dawadnimada Somaaliyeed. Dawladda hadda jirta oo ku baaqda iney ka tanaasuleyso xukunka, waxey xiri laheed albaabka sheydaanka. Laakiin, haddi aan ku sii soconno waddadii hore loogu fashilmay, dawladnimada xoog ku haysano, ama ku raadino, shisheye gacan siin ka sugno, kursiga isku dhejino, Itoobiya arimaha Somaaliyeed udaba fadhiisanno, waxaa la hubaa inaan qiblada dawladda Somaaliyeed halkaas naga jirin, hawsheynnana aan faru ka qodneyn! “Faanoole faru kama qodna”!!!