RASMI: Alexandre Pato oo ku biiray kooxda Corinthians, funaanaddana loo xiray

(Sao Paulo), 04 January 2013
Weeraryahanka Reer Brazil Alexandre Pato ayaa sagootiyay kooxdiisii hore ee AC Milan ee dalka Talyaaniga, isgoo si rasmi ah ugu biiray kooxda Corinthians ee dalka Brazil oo kula wareegtay 15-Milyan oo Euro.
Bogga Internet-ka kooxda Corinthians ayaa lagu soo bandhigay heshiiska Pato oo dib loogu soo celiyay dalkiisa hooyo oo isagoo 17-sano jir ah uu ka tagay, waxaana uu qallinka ku duugay heshiis 4-sanadood ah.
Pato oo 23-jir ah ayaa loo xiray lambarka 7-aad ee kooxdiisa cusub.
Pato iyo Lambarka 7-aad ee kooxdiisa cusub ee Corinthians.

Gool FM Read more about RASMI: Alexandre Pato oo ku biiray kooxda Corinthians, funaanaddana loo xiray