RASMI: Pato oo ku biiray kooxda Corinthians

(Sao Paolo) 04 Jan 2013  Alexandre Pato ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Corinthians oo uu kula biiray  €15 milyan oo ay farta ka saartay kooxda Milan oo mar aan sidaa u fogeyn laacibkan ku diiday lacag ka badan 42 milayn oo euro.
Xidigan reer Brazil ayaa cadeeyay inuu u dal tabyooday dalkiisa kadib markii ay soo food saareen dhaawacyo hoos u dhigay mihnadiisa ciyaareed oo aad loogu han waynaa waxaana wada xaajoodka Brazil u joogay madaxweyne xigeenka Milan Adriano Galliani
“Maalmaha yar ee soo aadan Pato wuxuu mari doonaa caafimaadka wuxuuna saxiixi doonaa qandaraas 4 sanadood ah kadib markii ay Corinthians 60 % iibsatay xuquuqda dhaqaale ee Pato kaasoo ku kacay 15 milyan oo euro.” ayuu u dhignaa war lasoo dhigay webka rasmiga ah ee kooxdaasi.
“Waxaan rabaa inaan salaamo una mahadceliyo qof kasta,” ayuu Pato ku qoray warqad furan oo uu ugu tala galay webka Milan.
“Laga bilaabo madaxweynaha ilaa dadka badan ee aan wada shaqeeynay sanadahan aan la iloobi karin ee Milan. Anigu Brazil ayaan u socdaa si aan joogto ugu ciyaaro kooxda Corinthians, si kastabase ma sahlana inaan illoobo Milan.” ayuu yiri Pato.
“Waxaan ahay weligeeyna ahaan doonaa nin ku xiran funaanadda,  taageerayaasha iyo midabada kooxda anigoo kulligood u diraya mahadcelintii ugu waynayd.”
Pato ayaa yimid San Siro isagoo 17 jir ah haatanna wuxuu ka tegayaa isagoo 23 jir ah kadib markii ay waayihiisa hareeyeen dhaawacyo xiriir ah oo sidii inkaar oo kale ugu soo noqnoqanayay murqihiisa.
Gool FM