Reer Somaliland iyo wasiir xirsi oo iska waraysanaya waayaha dalku uu marayo tolow maxay isyidhaahdeen?

reer SLN; waa lagu salaamay wasiir xirsi ma bad qabtaa adiga iyo duqii?
wasiir xirsi; balo ma jidho haday jidhana ma buura,
reer SLN; wasiir dalkii meel walba qaylo ayaa ka yeedhaysa bari ilaa galbeed bal nooga waran waxa sababay?
wasiir xirsi; waa afar canaasiira oo waalan haday fadhiisan waayaan waa la soo qabqaban,
reer SLN; waar taas siyaad bare ayaa ku fashilmay oo markii danbe ay xukuumadiisii xooga badnayd ay galaafatee maad ka dayside rag walaal waxa uu ku dhaamo lawaaye?,
wasiir xirsi; idinka waxan idin ka maqan ee aad raadinaysaan waamaxay sowkaas dalku barwaaqada k ujiro ee habar walba lulanayso ma belodoon ayaad tihiin;
reer SLN; wasiir dalka ayaanu lexejeclo ka qabnaa oo waxaa noo muuda dhibaatadaas meel walba laga sheeganayo qayladaas uun baa nasoo kicisay;
wasiir xirsi; ma cid ay wax ka maqan yihiin baa jirta sowtaas beel walba sadkeedii qaadatay dalkana aanu ka hirgelinay sadexda xisbi qaran kuwaas miyaydaan ka mid ahayn idinku;
reer SLN; oo waxaa la leeyahay kulmiye mooyee labada kale idinkaa hidhisaye side wax u jiraan!;
wasiir xirsi; miyaydaan maqal ushaada nimaad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa! idinka ayaaban idiin dhiibaye ma yaxaas ilko leh ayaad guri soo gashan lahayd sow ku qaniini maayo!,
reer SLN; oo labad xisbi markii horeba iyaga ayaa xisbi wada haan jiray waa labadii garab ee UCID maxay dalka ku soo biirinayaan miyaan dalku u baahnayn xisbi mucaarida oo wax saxa oo dhaliisha xukuumada soo ban dhiga si loo helo isu dheelitir awooda ah si dimuqraadiyadii reer galbeedka aynu wax kaga doonaynay meesha uga muuqato;
wasiir xirsi; marka horeba ee labadan xisbi lasoo saarayay waxaa loogu talo galay inay kaladhada sheedhka is haystaan oo isku mashquulaan oo tobanka sano kaga dhamaado kanley iyo keerlay anaguna jaaniska ka faa,idaysano oo markale awooda ku soonoqono waayo waxaanu ogayn inaanay weligood noo midoobayn ileen waa laba biyo hoostood iska haraatiyee! hadii urur kale soo bixi lahaa waxay noqon lahayd dad siyaasada ku cusub oo aan cudurna kala qabin oo way noo heshiin lahaayeen, dee idinka reer Somaliland na sidaas ayaa idiin xasarad yar oo buuq iyo is qabqabsi arki maysaan iyo halkanaa xisbi mucaarad ah iyo kulmiye is haysataan oo amaanka dalku khatar idinka gelimaayo sidii dhicijirtay markii UDUB iyo kulmiye isu muuqan jireen sidii laba baarqab oo geel ku wada jira ee guryihiina nabad qabkaas ku jiifa;
reer SLN; waa talo fiican wasiir ee bal noosharax labada nin waxaad ku xulateen?
wasiir xirsi; horta labada nin waa isku caki s midna waa nin fudayd wax dhaafinayo waxuu ahaan lahaaba! nina waa nin aad u degen oo qunyar socod ah oo hadaad fartaada malab umariso inuu qaniino daaye xitaa muudsan maayo! midna aamus baa laga kari la yahay oo afkaaga bal hayso oo kaan tarool! midna waar bal hadal oo umada lahadal oo hadalku hakaa soo baxo oo isacadee waxaad aaminsan tahay ayaa laga kari layahay, waxaase weli aan garan waayay siday u wada socon jireen ee ay isu xamili jireen! waxaase umalaynayaa in midkood dulqaad kiisa wax ku waday;
reer SLN; dadkii ku dhintay mudaharaadka ee reer Somaliland muxuu madaxweynuhu xili aan ku haboonayn u tacsiyadeeyay xitaa ma tacsi ayuu u quudhi waayay!,
wasiir xirsi; waar si khaldan ayaad wax u fahanteene kalamuu bakhaylin xumaana kamay ahayn ee waxa uu islahaa isla sug inta qaarkale dhimanayaan aad marqudha iskaba raacisid oo yaanay kugu soo kala hadhin tacsidu!,
reer SLN; show anaagaa deg degaynay oo fudayd nalagu saliday ee waxaad ka warantaa qo ladan reer saylac maxay la qaylinayaan may iska aamusaan iyagaaba laba garqaaqa oo maalina jabuuti jooga oo ka qaxweeya maalina Somaliland;
wasiir xirsi; odayga ayaa isyidhi maayar nimada saylac u yar shaxaad oo qoladaas samaroon u yar bari si ay ugu qalbi qaboobaan ileen waatii deeganka lagaga batee  waydinkii ogaa wixii naga gaadhay show meesha balaayo kale ayaa huursanayd anaguna meesha waxaanu islahayn intii yarayd ee xafiiltanka ahayd ee doorashada ayaa jirta show meel dhow maaha oo balaayo kale ayaa ku qarsoon markii aanu isnidhi Somaliland ban qarxay ayay ku noqondoontaa waataanu faraha ka qaadnay! dee ha samraan siilanyo isba 80 cod ayuu ku samree oo waqtigooda ha sugaan;
reer SLN; idinku sidee u fekerteen marka hore ma niman Somaliland boqolkiiba sideetan degen oo naf iyo maalba kula qaybsanaaya iyo nimankaas laba gardaaqa ah ee aan boqolkiiba toban ka joogin ee dalkaba joogin ayaad damacdeen inaad saxan wax ugu wada qay bisaan siyaasadaas guracan ma ina cumar geele ayaa idiin soo qoray!,
wasiir xirsi; sow ictiraaf kii meel walba inalama gelin ma nin aan la aqoonsan ayaa xiniinyo leh ma jabuuti ayaa manta dowlad isaga keen dhigi lahayd hadii aynu qaranimadeenii lixdan kii luntay haysan lahayn! oo maanta marba wala weyntaas sanka inaga mar marin lahayd!.
lasoco qayb kale dhawaan akhristayaasha sharfta leh.
aadan axmed nuur
khuurshe11@hotmail.com
——————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.