SERIE A: AC Milan vs Udinese ka hor kulanka caawa


Axad, 03 February 2013. AC Milan oo wali xaaladeedu xun tahay ayaa caawa qaabili doonta kooxda Udinese ciyaar ka dhici doonta garoonka San siro,waxaana dhex dhexaadin doona garsoore D. Massa ,iyadoo geeska Afrika laga dawan doono saacadu markey tahay 10:45 caawa.
Milan iyo waxa ugu weyn
Xidiga cusub ee AC Milan Mario Bollateli ayaa laga yaaba in uu keydka soo fariisto ,isagoo sugaya ciyaartiisii koowaad ee Milan.
Udinese iyo waxa ugu weyn
Kooxda Udinese ayaa ku faraxsan in ay dib uhesho laacibkeeda Mehdi Benatia oo ka soo laabtay koobka qaramada Afrika kadib markii wadankiisa la soo reebay .
Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo
AC MILAN:-Abbiati,Abate, Bonera, Zapata, Constant,Flamini, Montolivo, Boateng,Niang, Pazzini, El Shaarawy
UDINESE:-Padelli,Benatia, Danilo, Domizzi, Pasquale,Basta, Pinzi, Allan, Lazzari,Muriel,Di Natale.