Soomaaliya: Qaran Dumay Baa?

Sheiknor A. Qaasim
Email: sheiknor@hotmail.com
March 29, 2010 Markacadeey
Addunyadu waxay Soomaaliya u aqoonsatay inay tahay “QARAN DUMAY”, hase yeeshee waxaa jira dad arrintaas aan ku qanacsanayn, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa hadal dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha DFK Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed asagoo yiri:
“Inkastoo xaaladda Soomaaliya ay u muuqato mid foolxun, haddana marka aad eegto dareenka dadweynaha “Soomaaliya maaha qaran dumay”. Dadweynaha Soomaaliyeed dareenkoodu maanta waa mid u janjeera in la helo nabad, waxayna qaata ka taagan yihiin rabshadaha ay wadaan kooxaha xagjirka ah oo bishii hore caddeystay inay la bahoobeen Al-Qaida si degganaansho la'aan looga abuuro Geeska Afrika.”
Haddaba, waxaa isweydiin mudan: “Soomaaliya ma qaran dumay baa mise maaha?”.
Si aan u helno jawaabta su'aashaas waxaa lagama maarmaan ah in lays barbardhigo xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya iyo astaamaha lagu garto qaran dumay.
ASTAAMAHA QARAN DUMAY
Halkan waxaan ku falanqeynaynaa astaamaha aasaasiga ah ee lagu garto qaran dumaya iyo sida astaamahaas loogu dabbaqi karo xaaladda Soomaaliya.
Astaamaha qaran dumaya lagu gartaa waxaa ugu horreeya iyagoo baaba’a adeegyada bulshada ee aasaasiga ah sida” wabarashada, daryeelka caafimaadka, ilaalinta nabadda, ama guud ahaan maamulka dowladnimo. Sida badan arrimahaas waxaa horseeda degganaansho la'aan baahsan ama saboolnimo xad-dhaaf ah oo dalka ku habsata.
Waxaa xaqiiqa ah, marka ay lunto awoodda dowladdnimo (Dowlad la'aan), dadweynaha waxay la kulmaan dhibaatoyin iyo xasarado kaga yimaada dhinaca kooxaha hardamaya iyo burcadnimo aan cidna u aaba-yeeleynin.
Sida badan, astaamahaas oo kale marka ay dhacaan, waxaa suuragal ah Qaramada Midoobay iyo/ama dalalka deriska ah inay faragelin ku sameeyaan dalkaas si ay uga hortagaan aafooyin bani-aadannimo ee dillaaca, taasoo keeni karta inay dalalka deriska ah ku soo butaacaan qaxooti fara badan.
Dhianca kale, inkastoo dalalka deriska ah ay ku andacoodaan sababta ay faragelinta ugu sameynayaan dalkaas inay tahay ka hortag aafooyin bani-aadannimo, haddana waxaa hubaal ah inay ujeeddadoodu tahay inay ka hortagaan dhibaatada iyo degganaansho la’aanta dalkaas ka jirta iney u soo tallaabto dalalkooda.
Waxaa xusid mudan in qaran dumistiisa ay ku xirnayn oo keliya xaaladaha gudaha dalka ka abuurma, waxaana marar badan la ogaaday in dowladaha dibedda ay sidoo kale ula-kac u curyaamiyaan jiritaanka qaran, ayagoo huriya dagaalo sokeeye, isla markaasna taageero u fidiya kooxaha dowladda ka soo horjeeda, si ay u horseedaan burbur ku yimaada qaranka.
Waxaa kaloo xaqiiqo ah in xasaradaha ay abuuraan dowladaha dibedda ay damistooda waqti dheer qaadato, taasoo labo arrimood saldhig u noqon karta:
1. In dowladaha dibedda ee abuuray xasaradaha ay weli sugayaan inay gaaraan danta ay ka lahaayeen dumista qaranka; ama
2. Inay jiraan dowlado kala ujeeddo ah oo mid waliba doonayso inay gaarto danteeda u gaarka ah, taasna ay keento in dowlad waliba la timaado qorshe ay doonayso inay ku burburiso danta dowladda kale.
Si kastaba ha ahaatee, marka ay dhacaan qalalaasaha noocaas ah waxaa burbura qaybaha saldhigga u ah jiritaanka dowladnimo, gaar ahaan ciidammada amniga iyo nidaamka garsoorka., taasna waxay horsed u noqotaa in la waayo u hoggaansanaanta sharciga iyo kala dambeynta, waxaana beddelkooda abuurma burcadnimo iyo jahawareer baahsan.
Arrinta ma noqonayso oo keliya inay istaagaan socodsiinta hawlada dowladda ee waxaa burbura gebi ahaanba aasaaska dowladnimada, iyadoo la bililiqaysto hantida qaranka, isla markaasna la laayo saraakishii waaya-aragga, taasna ay keento dadkii aqoonta lahaa ama dareen waddaninimo ku jirtay inay dalka ka cararaan. Waxaa si baahsan loogu xadgudbaa xuquuqda bani-aadannimada, waxaa dhac loo geystaa gargaarka bani-aadannimada, waxaa abuurma boob, dhac, kufsasho iyo quursi loo geysta kooxaha laga badan yahay iyo kuwa aan hubeysneen.
Inkastoo astaamaha lagu garto qaran dumaya aysan intaas ku ekayn, haddaba aan halkaas ku joojino, isla markaasna u gudubno inaan falanqeyno xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya.
XAALADDA DHABTA AH EE SOOMAALIYA
Waxaan wada xusuusannahay dabayaaqadii 1990kii in dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay mar qura bilaabeen kacdoon looga soo horjeedo xukunkii militeriga ahaa ee uu hoggaaminayey Janeraal Maxamad Siyaad Barre.
Waxaan kaloo xusuusannahay kacdoonkaas inuu horsed ka ahaa Ururkii USC ee beelaha Hawiye ku bahoobeen, waxaana ururkaas u suurtagashay inuu muddo gaaban ku burburiyo xukunkii Militeriga ahaa.
Dhinaca kale, kacdoonkaas wuxuu fursad siisay ururradii kale ee ka soo horjeeday xukunkii militeriga ahaa, waxaana u suurtagasho inay gacanta ku dhigaan dhulalkii beelaha ay ka soo jeedeen degganaayeen.
Dalka wuxuu galay marxalad cusub oo jahawareer iyo fowdo ku dhisan, gobollada qaarkoodna waxaa ka bilowday iskudhacyo qabyaaladeed, bililiqo, xaalufin, dhac, kufsi, afduub, xasuuq iyo ku xadgudub baahsan oo loo geystay xuquuqda bani-aadannimada.
Waxaa gebi ahaanba burburay jiritankii qarannimada Soomaaliya, waxaa abuurmay dowlad goboleedyo ismagacaabay oo qaarkood ku dhawaaqay inay ka go’een dalka Soomaaliya intiisa kale.
Waxaa intaas dheer oo la xalaaleystay in xarumihii safaaradaha Soomaaliya ee waddamada dibedda qaarkood la iibsaday, qaar kalena la damacsan yahay in la iibiyo waqtigan xaadirka ah. Meelaha qaarkood waxaa la sheegaya inay ka socdaan gorgortan la damacsan yahay in lagu xiro safaaradaha qaarkood, si ay u fududaato in xarumahaas la iibiyo. Safaaradaha la hadal hayo in la xirayo waxay u badan yihiin kuwa ku yaallo dalal ay si toos ah ugu xiran yihiin danaha Soomaaliya.
Marba marka ka dambeyso, waxaa isbeddelaayey qaab dhismeedka kooxaha iska soo horjeeda oo mar isticmaalay hab qabyaaladeed, marna isbahaysiyo dhexmara beelo kala duwan, waxaana ugu dambeysay oo hadda la isticmaalaya hab diimeed, oo qolaba qolada kale ku eedeyneyso inay ku xadgudbeen qawaaniinta shareecada Islaamka.
Waxaa lagu qiyaasay in dagaallada sokeeye ee Somaaliya ka socday 20kii sannadood ee ugu dambeeyey iyo aafooyinkii ka dhashay ay jilaafteen dad boqolaal kun gaaraya oo siyaabo kala duwan u geeriyooday iyo boqolaal kun kale oo qaxootinimo u galay dalalka Soomaaliya deriska la ah ama ku barakacay dalka gudihiisa.
Qaxootiga Soomaaliya ee ku sugan dalalka gobolka waxay kala yihii:
• Eritrea 4,800
• Yemen 162,700
• Djibouti 10,800
• Ethiopia 58,000
• Uganda 11,600
• Kenya 312,000
• Tanzania 2,900
Intaas waxaa dheere oo dalka gudahiisa ku barakacay tirada soo socota:
• Somaliland 10,800
• Puntland 104,000
• Koonfurta/Bartamaha 1,380,000
Tirakoobka qaxootiga iyo dadka dalka gudihiisa ku barakacay waxaa laga soo xigtay Hay'adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR).
Fiiri ama guji halkan: http://www.unhcr.org/4b45e6499.html
Inkastoo dhibaatooyin baaxadooda intaas la eg ay dalka ka jirto, ayaa haddana dhowaan hay’adihii gargaarka waxay joojiyeen hawlahoodii, kaddib markii ay bateen afduubka iyo dalabka madaxfurashada lagu xiro sii-deynta shaqaalahooda caalamiga e kuwa maxalliga ahba. Intaas waxaa dheer aafooyinka ka dhashay abaaraha iyo fatahaada oo baabi’iyey wax soo saarkii beeraha iyo xannaanada xoolaha intaba.
Dhinaca kale markaad eegto, waxaa kuu muuqanaya in hay'adaha gargaarka aysan doonaynin in Soomaaliya ay degto, maxaa yeelay hadda iyaga ayaa metela dowladnimada Soomaaliya, wixii gargaar ah ee Soomaaliya loogu talagalayna iyaga ayaa gacanta ku haya. Haddii Soomaaliya ay ka dhalato nabad iyo dowlad lagu mideysan yahay oo awood leh, waxay luminayaan kaalinta ay hadda kaga jiraan Soomaaliya iyo manaafacaad fara badan.
Waxaa kaloo intaas dheere oo aad la socotaan, in dowlad la’aanta darteed xeebaha Soomaaliya iyo badweynta Hindiga lagu afduubo baraakiibta isaga gooshta oo ay ku jiraan kuwa gargaarka sida lagana qaato madaxfurasho lacageed.
Arrimahaas aan soo tilmaamay iyo kuwa kaloo la mid ah waxay dhaliyeen in Soomaaliya ay noqota dalka ugu halis badan adduunka.
Haddaba, waxaa isweydiin mudan, Soomaaliya ma lagu tilmaami karaa “Qaran dumay” haddiise jawaabtu “Haa” tahay, sidee baa loo badbaadin karaa jiritaanka “Qaranka Soomaaliyeed”?
Waa dood furan oo qof waliba ka qayb geli karo. Waa arrin mudan in si daacadnimo ah looga qayb qaato.
Digniin : Waxaan rajeynayaa shakhsiyaadka ka qayb qaadanayo doodan inay noqdaan dad jecel soomaalinnimada, iskuduubnida, nabad ku wada noolaanshada, caddaaladda iyo sinnaanta.
Waxaa suuragal ah in doodan dadka ka qayb gelaya inay saldhig u noqdaan abuuritaanka urur salballaaran oo mideeya shakhsiyaadka ay weli ku dambeyso dareenka Soomaalinimada, Waddaninimada, Qarannimada, Midnimada, Muslinnimada, Caadilnimada iwm.
Wa billaahi towfiiq
Sheiknor A. Qaasim
Email: sheiknor@hotmail.com
Tirakoobka qaxootiga Soomaaliya iyo kuwa ku barakacay gudaha dalka waxaa laga soo minguuriyey website-ka Hay'adda Qaxootiga ee Qarammada Midoobay. Guji halkan: http://www.unhcr.org/4b45e6499.html