TACSI– Alla ha u naxariistee waxaa 21-02-2013 Bosaso ku geeriyoodey Dr Axmed Bashiir C/laahi (Hoolif),

Innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun
Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa anigoo ku hadlaya magaca aqoonyahanka Soomaaliyeed qoyskii, asxaabtii iyo weliba Umadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan tan reer Puntland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid AUN Dr Axmed Bashiir C/laahi (Hoolif), oo Maalintii Khamiista Salaaddii Duhur kaddib ku geeriyoday Hospital Puntland ee Mgaalada Bosaso.
Dr Hoolif wuxuu ahaa dhakhaatiirta faro ku tiriska ah ee ku haray geyiga Soomaaliyeed ee lahaa waayo aragnimada iyo khibrada caafimaad isagoo howshaas kusoo jiray muddo gaaraysa 43 Sano. Dr Hoolif wuxuu wax ku baratay Muqdisho isagoo markii danbena waxbarashadiisa kasii waday Dalka Romania , isagoo ku takhasusay xanuunnada Hooyooyinka iyo dhallaanka. Dr ka AUN wuxuu kasoo shaqeeyay Cisbitaallo ku yaalla dalalka Yemen, Saudi Arabia, UAE ama Emarateska iyo ugu danbeyn haatan oo uu ka howl galayay xarun caafimaad oo uu ku lahaa magaalada Bosaso oo lagu magacaabo Family Care . Dr ka wuxuu caan ku ahaa daacadnimo, af gaabni iyo u hagar bixid dadka bukaanka ah isla markaana wuxuu ahaa nin aad ay Bulshadu u jeceshahay. Dr ka alle ha u naxariisto, danbigiisana ha dhaafo inta uu ka tagay iyo annagaba samir ha innaka siiyo . Dr ka taariikhdiisa waan idiin soo gudbin doonnaa insha allaah dhowaan .
Eng Abdulkhaliq Eng Mohamed