Timo jaraha AC Milan oo sheegay in Maamulka Milan iyo El Shaarawy ay isku mari la’yihiin qaabka uu tinta u xiirto
(Milano), 26 December 2012
Timo jaraha weyn ee kooxda AC Milan Sebastian Mocello ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka kooxda Milan Stephan El Shaarawy iyo maamulka kooxdiisu ay isku mari la’yihiin qaabka uu tinta u xiirto ee Dhoorka sida Diiqa oo kale ah, inkastoo El Shaarawy uu arrintaasi ku tilmaamay mid lagu fara gelinayo arrimihiisa u gaarka ah.
“El Shaarawy waa uu ku gacan seyray dalabkii uu u soo jeediyay milkiilaha Milan Silvio Berlusconi ee ahaa in uu tintiisa ka beddelo qaabka uu u xiirto, kaddib waxaan sameeyay xoogaa ayaan tinta ka gaabiyay, si arrintu aysan u sii xumaan” ayuu Timo Jare Sebastian u sheegay Bogga Shabakadda ‘www.calciomercato.com’.
Timo Jarahan waxa uu uu intaa sii raaciyay “Hadda Shaarawy waxa uu tinta ka xiirtaa Dhinacyada, isagoo xoogaana gaabiyay dhinaca sare ee Bartamaha Madaxa”.
Dhinaca kale maalin walba waxaa 5-qofood ugu yaraan ay Timo jarahani ka dalbadaan inuu tinta ugu xiiro qaabka Ciyaaryahan El Shaarawy, taasoo uu sheegay Koofeerkani inuu aad ugu faraxsan yahay.
GOOL FM
- 1 of 1640
- ››
