Waa Hubaal In Nala Heysto. W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamud

Waa Hubaal In Nala Heysto
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Saciidciise258@aol.com
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed Dr. Saciid Ciise Maxamud
Waxaa ubadka lagu barbaariya waxbarasho tayo leh si ay maskaxda uga xoroobaan, jiilkoodana ay caalamka aragti maangala kula wadaagaan iskaashi iyagoon cidna qool ugu jirin, haddana fahamsan halka loo socdo oo aragtida guud ee dunidu ay u guureyso. Ma sahlana in la helo fac ka xora dhinaca siyaasada, bulshada iyo dhaqaalaha, maxaa yeelay shacabka waxaa ku dhex milan qeyb ka mida oo u heelan qabaanimada danaha shisheeye iyaga oo aysan damiirkoodu dareensaneyn garashada heerka uu gaarsiisan yahay dhagarta ay u geysanayaan gobonimada Soomaaliyeed oo xornimadeeda ay ku timid halgamo dhiig badan uu ku daatay, Soomali badana ay ku naf waayeen, kuna xoolo beeleen.
Haddii aan fiirino dhanka bulshada waxaa saameyn weyn ku leh wadaadada, kuwaas oo dadka u tilmaamaya dhanka circa iyo dhaqanka Carabta. Hooyooyinka sharafta mudan aqoonta barbaarinta ubadka waxey jaal kula yihiin wadaadada, waxeyna u dhego-nugulyihiin fariintooda. Qoordhibashadaas waxey bulshada Soomaaliyeed dhaxalsiisay wadaado taladoodu xuntahay inay mariin habaabiyaan aayaha jiilka soo baxaya, hooyooyinkana u adeegsadaan deeq u soo ururinta loo isticmaalayo masakaxrogida ubadkooda. Wadaadadu qoolka ay ku heystaan bulshoweynta Soomaaliyeed waxey si xeeladeysan ugu xalaaleystaan iney dadaaladoodu salka ku hayaan diinta islaamka, ciddi iyaga ku caasisana aysan huri doonin carrada Alle. Sidoo kale waxey wadaadadu sameeyaan wacyigelin diimeed oo qasadkeedu yahay in wax sheegidooda ay ku lamaansan tahay wax warsi aan qaawaneyn oo salka ku haya tabaruc diimeed oo dadka loogu yaboohayo in aakhiro ay kheyr u keydsadaan. Ururada aan adeegsiga diinta ku saleysneyn ha noqto kuwa dowliga ama kuwa aan dowliga ahayn waa ay ku adag tahay iney bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan ay ka aruuriyaan dhaqaalo wax loogu qabanayo horumarinta ama xalinta dhibaatooyinka ka taagan bulshada Soomaaliyeed, inkasto labaduba ay danahooda gaarka ah mudnaanta kowaad siinayaan.
Jiilalka soo koraya waxaa horyaala iney ku soo barbaaraan in afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed uu hayaan u yahay inu u gadoomo afka Carabiga iyo dhaqanka Carabta. Tilmaantaas loo jiheeyey shacabka oo ah ku dhaqanka Carabnimada wuxuu dadka siriq u gelinaya in Soomaalidu ay qabaanimo ugu jirto danaha carabta iyo siyaasadahooda lagu xagjirsiinayo wadaadada hogaaminaya kooxeysiga diinta. Haddii aad istiraahdid bal u kuurgal nuxurka ama maslaxada Soomaalida ugu jirta carabnimada aan u sanduleysanahay, waxey in badan u arkaan inaad meel uga dhaceysid diinta, iyadoo kuwaas sida muuqata aysan u kala baxsaneyn Islaanimada iyo carabnimada. Wixii ka dhaqangala bulshada wadamada carabta ayaan ku qasbanahay inaan dabagalno. Naceybka loogala soo horjeedo dunida aan Islaamka ahayn ayaa ku soo xoogeysanaya dhaqanka dunida carabta, waana taas mida maanta ka taagan Soomaaliya oo naf iyo maalba Soomaalidu ku seegtay aduunyada kale. In Soomaalidu ay ku tiirsanaato ama weligeedba ay taageersanaato Carabeynta dhaqanka Soomaaliyeed waxey muujineysa in dhanka bulshada aan gun ka nahay.
Dhaqaalaha Soomaaliya ka soo gala shisheeyaha wuxuu xoogiisa ku xiran yahay suuqyada Carabta, sidoo kale shirkadaha waaweyn ee ganacsiga xaruumahoodu waxey ku yaalaan wadamada Carabta. Inta badan alaabaha dibeda laga soo dhoofiyo waxey ka yimaadaan wadamada carabta oo iyaga ayey badeecadooda Soomaaliya u tahay suuq. Wershadaha fudfudud iyo makiinadaha wax farsameeya soo iibsigooda waxaa xudun u ah ganacsiga maalqabeenada Carabta. Dhaqaalaha Soomaaliya kobociisa waxaa maanta saameyn balaaran ku leh oo awood ahaan ay ku xiran tahay rabitaanka suuqyada carabta iyo danaha maslaxada wadamadaas. Ma isleedahay waa muuqata hadda sida ay isugu dabran yihiin gunimada bulshada iyo tan dhaqaalaha. Dhanka dhaqaalaha oo aadan xor ka ahayn waxey horseedeysa barwaaqo beena oo qeyb yar oo ka mida bulshada iney hodonsan tahay, inta kalana ku nool yihiin saboolnimo ay u dheertahay gunimo. Qiyaasta hadda la maleyn karo waa mid murugo badan ku reebeysa dhaqaalaha Soomaaliya haddii uu xumaado xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya wadamada Carabta. Waxaa hubaal ah in nala heysto inagoon dareensaneyn ama aysan jirin doorasho noo furan oo aan ahyn inaan u adoonsanaano danaha walaalaha naga Carabsan meesha ay noo jiheeyaan. Wadamada madaxbanaanida buuxda ku taamaya waxa ay ka taxadaraan in awooda dhaqaalahooda ay shisheeye dibeda ka hagaan, waxeyna xadidaan ku xirnaashaha hal koox keliya oo ah wadamo isku mabda’ ah.
Siyaasda Soomaaliya waxaa jiheeya burcad nuucyo kala duwan leh oo laga adeegsanayo dibeda, kuwaas oo falalkoodu uu yahay mid aad u soo jiita dareenka caalamka, isla markaasna waxqabadka caalamka lagu jaangooyo xal u raadinta waxyeelada ka dhasha masiibooyinka ay sababaan kooxahaas habdhaqankoodu u abaabulan yahay burcadnimada. Muqaalka Soomaaliya waxaa dibeda ka dejiya shisheeye, naqshada tuugsiga ayaa ah mid si fiican loo hindisey, horseedna ay ka yihiin safiirka UNka iyo madaxda wadamada deriska, waxaana muqaalkaas ku howlgelaya ururada caalimaga, waxaana dhaqso u meel marinaya deeqbixyeyaasha wadamada hodonka ah. Wixii ka duwan aragtida ururada caalamka ay ka qabaan Soomaaliya ma gaarayaan madaxda bulshada caalamka iney maqlaan, waxeyna howshoodu ugu soconeysa NGO-yadaas sida ay ugu talagaleen. Dhab ma kuugu muuqata inaanan maskaxda xor ka ahayn oo naloo jiheyey inaan noqono oo keliya talaraacayaal ay weliba intaas u dheer tahay ka qadsanaanta Soomaalidu ay ka gacan maran tahay xoolaha faraha badan oo magaca Soomaalida adduunka looga soo yaboohsadey. Haddii aad saluugtid ama aad diidid qorshahaas, caalamka mar kasta waxey u macneysanayaan diidmadaada iyo saluugaaga mid aad si buuxda ku raacsan tahay oo taladooda aad ogolaansho ku aqbashay, maxaa yeelay hantida cida bixineysa ayaa go,aank iska leh. Waxaa la aqbalsiiyey Soomaalida in faragelinta Kenya ay tahay maslaxada Soomaaliyeed, marka ama yeel ama diid waxaa lagugu meelmarin rabitaanka shisheeyaha. Geeridii Zenaawi kadib Soomaaliya waxaa ka curtay neecaaw lagu deersaday, waxeyna reebtay in siyaasiyiin Soomaaliyeed ay siyaasadoodi la geeriyooto hogaamiyahaas. Sidaas oo ay tahay Soomaaliya weli kama madaxbanaana qoor u raaricinta loogu hoganayo madaxweynida Itoobiya.
Soomaaliya maslaxad uguma jirto iney koox caalamiya dabin ugu jirto ama ha ahaadeen wadamada Muslimka ama wadamada carabta ama kuwa Afrikaanka ama shisheeyaha ka durugsan. Ma qabo in laablakac Afrikaanimo, Carabnimo, Islaanimo, iyo iskaashiga shisheeyaha fog midna aan ka yeelno in dalka ay ugu adeegtaan habdhaqan ku dhisan gumeysi dadban. Waxaa loo baahan yahay isbedel keena baraarug bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed oo Soomaalida u horseeda gobonimo buuxda, haba ahaato mid saboola. Fahamka mashkilada wuxuu dawo u yahay xal u helideeda. Waa xaqiiq inaan xoog nalku haysan laakiin maskaxda nalka heysto, lahaystenimadaasna aan uga gudbi karno in soomaalidu ay garwaaqsato iney isku tashato oo walaalaha Soomaaliyeed oo shanta ah ay maskaxda iska kaashadaan, lana garto guriga hooyo inuu mar kasta lama huraan uu u yahay Soomaalida, xalinta mashkilada dhulka hooyana ay u baahan tahay aqoon dhiiran oo garab marta dibandaabyada dibeda laga soo maleegey ee loo adeegsanayo maxlalinta madaxbanaanida Soomaaliyeed oo doonista xornimadeeda ay Soomaalidu ku weysey naf iyo xoolaba.
Soomaaliya si toosa ayey siyaasadaha bari iyo kuwa galbeedka intaba ugu rukuucday waxaan xasarad ahayna kama abuurmin, maantana dalaaliin dadban oo ka amar qaata sirdoonka siyaasadahaas ma filayo iney hadda abuurayaan madaxbanaani Soomaaliyeed. Dadka Soomaaliyeed waa iney u kacaan dhanka dhismaha xisbiyo siyaasadeed oo heer qarana, ayna hogaaminayaan aqoonyahano ay daacad ka tahay xaqsoornimo. Maanta dalku wuxuu u baahan yahay difaac siyaasadeed oo gudaha iyo dibedaba xadgudubyada uga imaanaya u daruura gashaanka. Shacabka Soomaaliyeed waxey u baahan yihiin hogaamiyeyaal siyaasadeed oo ka duwan shaqsiyaadka dowlada madaxda ka ah, kuwaas oo wadaniyiinta Soomaaliyeed xogwaran daah furan ku wargelinaya marxaladaha siyaasadeed ee dalka uu ku sugan yahay, maxaa yeelay shacabka ayaa loo baahan yahay iney ka dhiidhiyaan dhagarta loo geysanayo dhulkooda hooyo.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Saciidciise258@aol.com
================================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH GABAY, MAANSO MAQAAL, SHEEKOOYIN GAA-GAABAN AMA WAXKALEBA U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Use Facebook to Comment on this Post