Waa maxay sababta Daafaca Man United Rafael uu u soo xirtay Kobaha Mataankiisa Fabio kulankii Fulham?
(Reuters), 03 January 2013
Daafaca kooxda Kubadda Cagta Manchester United ee waddanka Ingiriiska Rafael da Silva ayaa kulankii xalay ay kooxdiisu la yeelatay Fulham oo ay kaga badisay 1-0 waxa uu soo xirtay Kobo ay ku qornaayeen magaca Wiilka ay Mataanaha yihiin ee ‘Fabio’ ee isna u ciyaara kooxda Queens Park Rangers.
Su’aasha la is weydiiyay ayaa waxay ahayd ‘Rafael ma waxa uu Kobaha ka soo amaahsaday Walaalkiis, mise waa sheeko uu isagu ugu talo galay in uu ku ciyaaro Kobo magaca Mataankiisu ku qoran yahay?’.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Rafael uu aad uga xumaaday in la kala fogeeyo isaga iyo Mataankiisa Fabio oo amaah ugu ciyaaraya xilli ciyaareedkan kooxda QPR.
Sheekooyinka kale ee qosolka leh ee laga qorayo labadan mataano ayaa ah in Tababaraha Manchester United Ferguson uu ku wareeray kala saariddooda, maadaama ay aad isugu eg yihiin labadan Wiil, isla markaana ka wada ciyaaraan Daafaca.
Ma kala garan kartaa Mataanaha Reer Brazil Fabio iyo Rafael da Silva?
Fabio (Bidix) QPR iyo Rafael (Midig) oo u ciyaara Man United.
Recent Somali tweets
- 1 of 1588
- ››
