Wafti Ballaaran Oo uu Horkacayo R/wasaare Kuxigeenka Turkiga Oo Muqdisho Soo Gaaray
Muqdisho(RBC Radio)Wafti baalaaran oo uu horkacayo Raysal wasaare ku xigeenka wadanka Turkiga oo Saaka muqdisho soo garay ayaa kuamo la qaatay madax ka tirsa dowlada Soomaliya Bakir Bosdok oo ah R/wasaare ku xigeenka wadanka Turkiga iyo wafti balaaran oo uu horkacayo ayaa waxaa garoona diyaaradaha agaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyey R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Fowziya Yuusu Xaaji Aadan iyo Xubno Kale oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya.
Fowziya Yuusuf Xaaj Aadan oo Warbaahinta la Hadleysay kadib markii uu soo idlaaday wadahadal ay garoonka kula yeelatay dhigeeda dalka Turkiga ayaa sheegtay in dalka Turkiga uu yahay dal muddo dheer garab taagna umada Soomaaliyeed waxayna intaa raacsay in ujeedka manta safarka madaxda Turkigu uu ku qotomo sidii ay u kormeer lahaayeen Mashaaricda ay Soomaaliya Ka wadaan Hay’adaha hour marinta dalkaas.
Waxayna Sidoo kale sheegtay in waftigu manta yimi Muqdisho ay mashaariic hor leh xariga ka jari doonaan inta ay ku sugan yihiin Caasimada Muqdisho waxayna sheegtay in dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeduba aysan waligood ilaawi doonin hiilada ay ka heleen walaalahood a Turkiga xili ay aad ugu bahnaayeen sida ay tiri Foqziya Yuusuf.
Bakar Bosdok ayaa sheegay iney Soomaaliya u yimaadeen si ay u odorosaan halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya isagoona ballan qaaday iney xariga ka jari doonaan mashaariic hor leh inta ay ku sugan yihiin Muqdisho,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in dalka Turkiga uu si hagar la’aan ah u taageeri doono dalka Soomaaliya isagoona tilmaamay in labada dal uu ka dhexeeye xiriir soo jireen ah.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post
















