WAR DEG-DEG AH: Arsenal iyo Theo Walcott oo heshiiyay

(London), 03 January 2013

Weeraryahanka kooxda Arsenal Theo Walcott ayaa Albaabka ka xiray dhammaan kooxihii doonayay iyo hadal suuqeedkii sheegayay in uu ka tegayo kooxda ka dhisan Waqooyiga London, waxaana xidiggan uu aqbalay in uu qallinka ku duugo heshiis cusub bartamaha toddobaadkan.
Wargeyska ‘The Evening Standard’ ee magaallada London ayaa xaqiijiyay in wada hadalladii maalmahan dambe u socday Maamulka Arsenal iyo Walcott ay ku soo geba-geboobeen is faham, dhaliyahan da’da yarna uu saxiixi doono heshiis cusub oo uu Gunners kula sii joogi doono illaa 2017-ka.
Heshiiskan uu aqbalay Walcott ee 5-ta sano ah ayaa la mid noqonaya kii ay dhowaan saxiixeen ciyaartoyda Arsenal ee Wilshere, Gibbs, Oxlade-Chamberlain, Ramsey iyo Jenkinson, iyadoo sidoo kale mushaarka loo kordhin doono Walcott, isbuuciina uu qaadan doono 90,000-Gini.
Walcott oo 23-jir ah, qandaraaskiisa Arsenal-na uu ka harsan yahay 6-bilood ayaa 3-gool u dhaliyay kooxdiisa kulankii Newcastle ee isbuucan, halka sidoo kalena dhammaan goolasha uu dhaliyay xilli ciyaareedkan dhammaan tartammada kala duwan ay gaarayaan 14-gool.