Xafaddii soo dhaweynta Madaxweynha Somaliya Xasan Sheekh ee ka dhacday London

Awdalpress – London – Xalay oo ay taariikhdu ahayd 2dii Feb. 2013  waxa Hall ku yaalla Central London lagu qabtay xaflad aad loo soo cammiray, shacabka ka soo qayb galayna waxa ay isugu jireen waayeel iyo dhallinyaro, rag iyo dumarba leh.
Meesha ay xafladdu ka dhacaysay waxa aan imid shanti iyo badhkii galabnimo (05.30 p.m ), waxana markaa lagu jiray safaf  aad u dheer dheer. Oo ay ciidammada amniga ( Police ) ay hareeraha ka ilaalinayeen.
Safafkaa oo laba dhinac ahaa sida, safka dumarka iyo ka ragga, waxa aan isku dayey in aan u kuur galo sida uu u habaysan yahay amma uu u habacsan yahay. Laakiin waxa aan arkayey dad ilbax ah oo si asluub iyo buuq la’aan ah ugu jiray safafka qof wallibana marka uu meesha yimaaddo xagga dambe ayuu safka dheer ka soo qabsanayey, isla markaana sheeko iyo kaftan ayey ku sugayey inta iridda laga furayo.
 
Qabow daran ayaa dhacayey, laakiin  qof walliba waxa uu sitay koodh oo waa loogu soo tala galay.
Marba marka ka dambaysa ayey dadku soo badanayeen, safafkuna ay sii dheeraanayeen, Ugu dambayna waxa Hall kii lagu dhammaaday mar aan saacadda ku qiyaasay 9kii fiidnimo.
Intii aanay Madaxweynha iyo wafdigiisu soo gelin waxa dadka sii maaweelinayey Fannaaniin ay ka mid ahaayeen Gaaddaco iyo Huseen Shire. Fannaaniinta la yaqaannana labadaa iyo Hibaaq ayaa ka joogtay, balse dadku may xiisaynayn heesaha. Nashaadka iyo farxadduna sidaa uma ay badnayn. Waxanan is idhi malaha dadku waxa ay sugayaan uun qudbadda Madaxweynaha.
Sagaalkii iyo badhii fiidnimo ayaa Madaxweynihii iyo wafdigiisa oo ay ku jirtay wasiirka arrmaha dibadda Foziya Xaaji Aden ay soo galeen, waxana lagu soo dhaweeyey sawaxan, xammaasad iyo heesta…Somaliyey Toosoo. Calanka Buluuga iyo calanka Ingiriiska  ayaa garbaha u sudhnaa, meel walbana ka lushay.
Brotokoolka xafladda iyo habka loo daadihinayey dhalliil badan ayaa ka muuqatay, ilamana qurux badnayn, waxana ay u egeyd mid aan si fiican loo soo diyaarin, amma maamulku ku badnaa. Wakhtiga iyo dadka hadlayaa amma heesayaa isuma dheelli tirnayn wakhtigoodu. Taasina waxa ay keentay in madaxweynaha iyo dadweynaha dhexdiisa uu muran ka dhaco, tusaale ahaan fannaanadda Hibaaq oo mar laga hor joogsaday in ay laba heesood oo xidhiidh ah qaaddo. Balse markii ay tii hore qaadday ayaa tii dambe, laga gundhiyey mikrafoonka. Haddana muran yar dabadii ayaa loo oggolaaday.
Hadalkii ayaa bilaaabmay, waxana makrafoonka lagu soo dhaweeyey Cisman Jaamac ( Cisman Kalluun ), oo isagu si qiira leh uga hadlay sida loogu baahan yahay amma ay muqaddas u tahay midnimda Somaliyeed. Waxana uu madasha ka sheegay in ay Somalidu ugu fiicnaan doonto amma ka mustaqbal fiicnaan doonto Afrika iyo dunidaba, wahabkiina ka baxay.
Kadibna waxa hadlay nin isna ku hadlayey magaca Jaaliyadda soo dhaweynta samaysay. Waxana uu hadalkiisii ku soo koobay ereyo soo dhaweyn ah. Gabadh ayaa iyana ka hadashay oo tilmaantay sida ay midnimada Somaliyeed dib ugu noo noolaatay.
Xafladda waxa fadhiyey safiirka Ingiriiska u fadhiya Somaliya iyo dad kale oo ajaanib ah. Madashana waxa laga dhawaajiyey in ay dawladda Ingiriisku si fiican ugu soo dhaweysey Madaxweynaha, oo ay xataa boqortooyada wakiil ka socdaa uu goob joog ka ahaa soo dhaweyntii Madaxweyne Xasan markii uu maddaarka ka soo degey.
Shacabka xafladda iiga muuqday, waxa ay ahaayeen dad deggen, oo aan soc socod lahayn, buuq iyo rabshadna aan lahayn. U eg dad xaddaari ah, sheekooyinkooda dhagahayga ku soo dhacayeyna waxa ay u egaayeen dad aanba is aqoon, qabyaalad iyo wax la mid ahna kama ay sheekaysanayn.
Ugu dambayn waxa minbarka fuulay Madaxweynaha oo aan loo soo dhaweyn si waafaqsan borotokoolka caalamiga ah, halkii ay safiirka dalka u fadhiya iyo wasiirkiisa arrimaha dibaddu makrafoonka ku soo dhaweyn lahaayeenna waxa dusha looga yeedhay nin lagu sheegay xildhibaan oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey makrafoonka.
Nin hambal ah, aad u deggen oo qoslaya ayaa ka soo kacay meel u dhaw Minbarka, intii aanu soo gaadhin meesha uu ka hadlayey ee Mekrafoonnadu u yaalleenna waxa uu aad u salaamay dadkii dhagaysan lahaa oo sawaxan iyo heeso soo dhaweyn ah la sara kacay.
Waxa madasha ka lushay kamarooyinka TVyada Somalida iyo kuwa kale, waxana lala boobay sawirro, laydhadhka ayaa ku badnaa.
Qudbaddii oo aan soo koobay.
Ugu horreyn waxa uu hormarsaday salaanta islaamka, nabiga oo uu ku salliyey, kaddibna, waxa uu yidhi, ‘ Walaalayaa, waxa aad ogtihiin in aan jid dheer soo marray welina soconno. Laakiin nasiib wanaag aan joogno meel ay innoo muuqato in aan ka aadi karno jidkii toosnaa.
Waxa aan soo gudubnay dawlad la’aan waxa inna soo martay dagaallo sokeeye oo lagu hoobtay, inna kala firdhiyey oo dalkeennii iyo dawladnimadeennii baabi’iyey. Waase Ilaahay mahaddii mar haddii  maanta aan arkayno rajo fiican. Waxanan rajadaa ku hanan karnaa innaga oo gacmaha is qabsanna, oo wada shaqayn Gudo iyo dibadba leh yeelanna. Caddaaladna isku maamulla.
Intiinna maanta I hor fadhidaa, waxa aad timaaddeen idinka oo qof qof u socda, oo sheeganaya Somali. Waxana la idiin qaabilay Somalinimo. Sidaas ayaanad maanta ku haystaan dhalashadii dalka Ingiriiska. Anigu ma haysto dhalasho aan ahayn ta Somaliyeed. Laakiin idinku markii aad woxoogaa sannaddo ah joogteen ayaa dawladda Ingiriiska iyo boqortooyadeeduba idin tidhi isku mid ayaan nahay oo British ayaad tihiin. Balse idinmay odhan, Somaliland amma Puntland iyo hebel …hebel kale ayaad tihiin.
Bal eeg caqligaa iyo ka aan innagu ku shaqaynayno, ee aan leenahay reer hebel haddii aan nahay reer hebel ma doonayno reer hebel, amma aan u arki la’nahay wada dhalashadeenna, jinsinimo, ee aan isku dhaqanka afka iyo diinta nahay.
Haddii aan u soo noqdo dawladnimadeenna maanta, waxa aan illaa immiga haynaa waa Ictiraaf dawladnimo oo aan kumeel gaadh ahayn, dadkeennii oo diyaar u ah in ay dalkii dhistaan, dunidii oo diyaar innoo ah innaga oo Somali ah in ay wax innala qabtaan. Annaguna waxan ku dadaalaynaa in aan si caqli ah ugu shaqayno dalka. Ilaahayna waxan ka baryeynaa in uu sida khayrka leh na waafajiyo.
Dawladdeennu waa federal, waxana aan ka badin weyney in aan tubtaa qaadanno. Waayo wax weyn ayaa innagu dhacay, suurta galna ma noqonayso in aan mar kaliya ku soo noqonno sidii hore. Waxanse u baahannahay sharci dhammaystiran iyo dastuur kala xadaynaya sidii aan wax u wada yeelan lahayn amma u kala yeelan lahay.
Federaalka waxa noqonaya laba gobol iyo in ka badan, ma aha qabiil iyo laba qabiil. Waa gobollo. Cashuurta iyo khayraadka gobollada sida loo qaybinayo waxa qeexi doona destoorka. Laakiin noqon mayso in gobollada amma dawladda dhexe uu midna kaligii uun maamusho.
Ammaanka ayaa ah mid wax walba ka horreeya, oo aan immigana ka dhigannay ka qorshahayaga ugu horreeyaa uu ka dhaqaaqayo. Waxanan bilawnay in aan Muqdisha u samayno 1000 ( Kun ) askari oo xul ah, oo ilaaliya amma qaada mas’uliyadda gobolka. Oo aan innagu bixinno mushaharkooda iyo waxa ay ku hawl galayaan.
Waxan isku diyaarinaynaa in aan dhawaan ka baxno gacanta la inna hayo, oo aan u gudubno in aan is maamuli karno. Waanan is maamuli karnaa sida ii muuqata. Dadkii iyo dalkiina sida aad moodaysaan maaha ee waa uu innoo dhaqaaqay. Idinkuna waa in aad ku hammidaan sidii aad uga qayb qaadan lahaydeen fursadaha dahabiga ah ee maanta dalkii yaalla. Waxa ay ila tahay inaydaan moogeyn sidaasi, oo aan maalin walba la socotaan waxa dalkii ka dhacaya.
Adeegyadii bulshada ayaa innoo dhismaya, oo weliba si xawli ah ku socda, waxa aan wadnaa qorshayaal aan ku soo afjarayno Alshabaab iyo dadka sida qaladan wax loogu sheegay ee dhibta ku haya ammaanka dalka.
Al shabaab waa saddex nooc:

  1. Koox qabiilooyinkoodii cagta la mariyey amma la cabudhiyey ka soo jeeda, oo ay ku kalliftay in ay hubka qaataan, oo lagu yidhi, ‘ si aad reer hebel isaga celisaan hubka qaata oo dagaallama’.
  2. Koox baahidu ay u geysey oo 100 doollar iyo wax la mid ah farta laga saaray, waana dhallin yaro ku dhalatay fawdada oo aan waxbarasho iyo mihnad midna lahay, loona sheegay in ay helayaan laba faa’iido, haddii ay nool yihiinna nolol fiican haddii ay dhintaanna Janno.
  3. Koox ay ka dhaadhacsan tahay mabda’a ah in ay dunida ku maamulaan Islaam iyo in ay diinta saxa ah iyaga uuni wataan. Waana kuwa la baxa abu-hebel abu-hebel. Ee dhammaanba inta kale madaxda u ah.

Barri dambe waxa aan kulmi doonnaa ra’iisal wasaaraha dalkan Britain iyo dawladda Ingiriiska, waxana aan filaynaa in aan si fiican u wada hadli doonno, sidii aan maraykanka iyo Yurub u wada hadlay. Ingiriiskuna hore ayaabu dalkeenna dib uga furtay safaaraddiisii, wada shaqayn gaar ahina  waa naga dhaxaysaa.
Somalidu waa is burburisay, Yurubna waatii dagaallantay waanay isku soo noqotay oo waataa sii midoobaysa. Taasi micnaheedu maaha in aan khilaab jirin, oo waxa kala shikisan Ingiriis iyo Faransiis, waxa kala shikisan Faransiis iyo Jarmal, laakiin waxa meel u yaalla Tuuliskii ay ku kala bixi lahaayeen,  farqiga u dhexeeyaana waa mid markaaba xalkiisa la gaadhi karayo. Innagana taasi ayaa haddii aan Somali nahay la innooga baahan yahay. Farqi waa jirayaa laakiin aan hello dariiqooyinkii aan u xallilan lahayn.  Aan kala tagno iyo aan is dillo midna innoo xalllili mayso ummadnimadeenna. Wax baa innaga dhaxayna, waxbaa innaga dhexeeya. Duniduna si bay innoo aragtaa, laakiin siyaal innooma kala aragto.
Ahmedweli Goth
Awdalpress.com
 

PdateM: 

2013-02-03 12:17:34 +0100