Yaa Baabuur Qaalisan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, nuuceese ayay ku Xaragoodaan??

Jimco, 07/09/2012Messi iyo Baabuurkiisa Maserati MC StradaleKaamirooyinka Sawir qaadayaasha Jaraa’idyada ka soo baxa Spain ayaa soo bandhigay Baabuurka cusub ee uu ku xaragoodo Xidigga ugu wanaagsan Dunida ee weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona Lionel Messi, gaarigaas oo nuuciisu yahay “Maserati MC Stradale 2012″. Baabuurkan oo ay soo saartay Shirkadda Maserati ee laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa ayaa ah nuuca Isboortiska iyo weliba raaxada, waxaana saaran Matoor Awood badan oo u suuro gelinaya in uu si xowli ah uga dheereyo ciddii kula tartanta waddooyinka magaallada Barcelona, si la mid ah sida uu u dheereeyo marka uu ku sugan yahay garoonka Camp Nou.Gaariga Messi ayaa lambarkiisu yahay “1010″, kaasoo lambarka uu aadka u jecel yahay Xidiggani ee “10″ ee uu u qaato kooxda Barcelona.Qiimaha baabuurka Messi ee Matoorka saaran Awooddiisu ay la siman tahay Awoodda 451 Faras, ayay saxaafaddu ku sheegeen inuu yahay 175,000 Euro.Dhinaca kale Weeraryahanka Reer Portugal iyo kooxda Real Madrid ee ay sida weyn xagga Billadaha ugu tartamaan Cristiano Ronaldo ayaa isna ku xaragooda baabuurka ay samayso shikadda “Lamborghini Aventador” ee Reer Talyaani.Baabuurkan ayaa isna Matoorkiisu awooddiisu u dhigantaa awoodda ay leeyihiin 700 oo Faras, waxaana qiimihiisu uu dhan yahay 340,000 oo Euro. FIIRO GAAR AH: Labadan ciyaartooy kuma  Xaragoodaan oo keliya labadan Baabuur, balse waxay leeyihiin dhowr gaari oo marba mid ay isticmaalaan, balse labadan ayaa ugu dambeysa, uguna caansan gawaarida ay haatan ku raaxeystaan.

Baabuurka dheereeya ee Lamborghini Aventador ee uu ku raaxeysto Cristiano Ronaldo

Astaanta shirkadda Gawaarida LamborghiniAstaanta Shirkadda baabuurta ee Maserati  GOOL FM