“Kaliya Sedax Koox uusan Goolkooda Gaariin, Isagoo...

( England ) 23 April 2018. Xagaagiisa koowaad ee horyaalka Premier League Mohamed Salah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan kasoo lagu abaalmariyay fiinimadii Axada, kadib markii laacibka Masaarida uu gacanta u dhigay Abaarmarinta shaqsiga ee kubada cagta Premier League ee PFA Player of the Year ama laacibka Sanadka ee horyaalka.
Salah ayaa abaalmarinta kaga adkaaday xiddiga Kevin De Bruyne, kaas oo isna ciyaar qurux badan sameyay wuxuuna ka saaciday kooxdiisa Manchester City hanashada horyaalka.
Bandhigyada qorxoon ee Salah waxeey sabab noqondeen inuu sameeyo rikooro cajiib ah isagoo lasoo baxay gool dhalin iyo xirfad aad u sareysa wuxuuna Liverpool u noqday horjooge ay ku tashtaan.
Habada GOOLFM.NET ayaa kusoo gudbineysa Xaqiiqada ka dambeysa guusha Salah ?
The figures behind the Egyptian's incredible debut season show just why he came out on top
Wuxuu ku biiray Gool dhaliyaashii ugu fiicnaa Horyaalka Premier League
Kadib markii uu dhaliyay  goolkiisii 30-aad ee horyaalka sare ee England Salah ayaa kamid noqday tiro laacibiin ah kuwaas oo horyaalka ka dhaliyay  sodon gool taariikhda, waxeyna kala yihiin: Andy Cole, Alan Shearer, Luis Suarez, Cristiano Ronaldo, Thierry Henry, Robin van Persie iyo Kevin Phillips.
Salah ayaa u baahan kaliya sedax gool wax ka badan si uu u noqado laacibkii ugu goolasha badnaa hal xili ciyaareed horyaalka Premier League, waxaana rikoor 34 gool ah laacibka xagaaga ugu goolasha badan ku hestaan labada laacib ee Cole xili ciyaareedkii 1993/94 iyo Shearer oo isana sanad kadib rikoor kaas sameyay.
Alan Shearer, a prolific goalscorer in Premier League history, is being caught by Salah  Andy Cole also shares the record for the most domestic goals in a season
 Gool dhaliyaha Weyna ee Gegiga Anfield
Salah ayaa ka yimid kooxda Roma iyadoo aan wax sidaa u weyn ay dadka ciyaaraha falanqeyaa ka aaminsaneen maadama uu horay Chelsea ugu fashilmay, balse suuqii Liverpool ee £37 milan ee gini kuma aysan qasaarin waana dhaliyaha mar walba kooxda Anfield.
Si xoogan ayuu ugu bilaawday xagaagan kooxdiisa wuxuuna garoonka ka noqday dhaliye lagu tashto goolashiisa kal ciyaareedkan.
Wuxuu kooxda u dhaliyay 41 gool 46 kulan uu saftay xagaagan, isagoo ku dhaw rikoorka goolasha ugu badan ee kooxda hal xili ciyaareed waxaana heysta halyeeygii naadiga Ian Rush waana 47 gool –  xili shan kulan kaliya ay ka harsantay tahay kulamada kooxdiisa.
Salah has scored with ferocious intensity, while turning up in the big games for his side
Ian Rush's record of 47 goals in a single season could be set to fall in the coming weeks
Afrikaankii ugu Goolash Badnaa taariikhda Horyaalka Premier League hal Xagaa
Mohamed Salah ayaa ka jabiyay rikoorka afrikaanka ugu goolasha badan horyaalka Premier league hal xagaa laacibkii hore ee kooxda Chelsea Didier Drogba kasoo horyaalka ka dhaliyay sanad ciyaareedkii 2009/10, 29 gool wuxuuna salah hadda ku hogaaminayaa gool dhalinta horyaalka 31 gool iyadoo weli kulamo ka harsan yihiin kal ciyaareedka.
Natiijada sawirka Salah and Drogba
Wuxuu kamid noqday laacibiinta Liverpool ee ku guuleystay laacibka Sanadka Premier League
Mohamed Salah ayaa noqday laacibkii todobaad ee Liverpool ugu guuleystaa abaalmarinta laacibka sanadka horyaalka ee PFA Player of the Year , kadib Luis Suarez (2014), Steven Gerrard (2006), John Barnes (1988), Ian Rush (1984), Kenny Dalglish (1983)  iyo Terry McDermott (1980).
Mohamed Salah beat off fierce competition to be crowned PFA Player of the Year on Sunday
Imisa Koox ayuu goolka ka gaari waayay Salah labaatanka koox ee horyaalka xagaagan
Kaliya sedax naadi ayuu Salah ku guuldareystay inuu goolkooda gaari waayo kulamad uu horyaalka kaga horyimid waana Manchester United, Swansea iyo Brighton, laakiin kooxda Brighton ayuu ciyaar labaad ka hor imaan doonaa ka hor dhamaadka horyaalka.
Kooxda Watford waa tan uu ka dhaliyay goolasha ugu badan ee hal ciyaar kadib kulan ay Liverpool ku adkaatay shan gool Salah wuxuu dheeshaas ka dhaliyay afar gool  ciyaar ka dhacday Anfield.
Kooxaha kala ah Southampton, West Ham, Leicester City iyo Tottenham ayuu midiiba ka dhaliyay labada is arag ee horyaalka min sedax gool kal ciyaareedkan.
The figures behind the Egyptian's incredible debut season show just why he came out on top
Waa Caawiye Sido kalana waa Hogaanka Gooldhalinta  
Waa mid kamida sedax weerar ee kooxda Liverpool kuwaas oo xili ciyaareedkan dhaliyay goolal ku dhaw boqol gool marka loo fiiriyo goolasha mid walbaa cayaartodya Sadio Mane Roberto Firmino iyo Mohamed  Salah.
Waa kuwo is wey daarsada caawinaad sedaxdan weerar iyadoo laaciibka Salah uu la wadaagay saaxiibadiisa Sagaal caawin.
Dhanka kale waa gool dhaliyaha ugu sareeya abaalmrinta kabta dahabka ee xili ciyaareedkan wuxuuna lee yahay 31 gool xili uu horyaalka ka saftay 33 kulan isagoo shan gool dheer laacibka kusoo xigga ee Harry Kane.
Waa Dawacada dilaaga ee Diilinta Ganaaxa
Inkastoo Salah uu yahay laacib garabka ka ciyaaraha hadana taas uma muuqdo mark aad eegto meel laha uu goolka ka dhalinayo.
Xawaarihiisa sare, xirfada aan kala joogsiga laheen iyo gaad mada kubadaha weerar celiska ah waan tan keentay inuu Salah gaaro goolal badan.
Balse 3 sadax gool kaliya ayuu meel ka baxsan diilinta ganaaxa ka dhaliyay laacibka kulamada horyaalka marka loo fiiriyo guud ahaan goolashiisa Sodonka dhaafay.
Gool FM.
W/D/ Mr Shariif