Dhageyso:- Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka...

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Wararka Naga Soo Gaaraya Deegaanka Ceelaha Biyaha Ee Duleedka Magalada Muqdisho Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Halkaasi Uu Ka Socdo Dagaal U Dhaxeeya Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM Iyo Al-Shabaab,
Goobjoogayaal Ayaa Waxa Ay Warkii.comĀ  U Sheegeen In Al-Shabaab Ay Weerar Madaafiic Ah Ku Soo Qaadeen Fariisin Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Ku Leeyihiin Xaafada Lagu Magacaabo Arbacoow Oo Ka Tirsan Deegaanka Ceelaha Biyaha.
Weerarka Madaafiicda Ah Kadib Waxaa Dadka Deegaanka Ay Sheegeen In La Maqlay Rasaas Labada Dhinac Ay Isku Ridayaan.
Lama Oga Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalka Maadaama Xilli Habeen Ah Ay Tahay,Isla Markaana Ay Adag Tahay In La Ogaado Khasaaraha Labada Dhinac Iyo Dadka Shacabka Ah Intaba Ka Soo Gaaray Dagaalka.
Xaalada Kacsanaan Ah Ayaa Caawa Ka Jirta Deegaanka Ceelasha Biyaha,Waxana Dadka Deegaanka Ay Sheegeen In Ay Cabsi Dareemayayaan.
[embedded content]
Wixii Ku Soo Kordha Kala Socda Warkii.Com

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleSomalia: Heavy gunfire erupts in Mogadishu

Next articleWarar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar ka dhacay dalka Canada