Edin Džeko Oo Ka Warbixiyay Awooda Ay Ku Tiirsan...

(Champions League) 23 Abriil 2018 Edin Džeko ayaa sheegay kahor kulanka ay Liverpool isku arki doonaan lugta hore ee wareega afar dhamaadka UCL, in u gudbitaanka kulanka Finalka ee 26 May ka dhici doono magaalada Kiev ay noqon doonto “riyada runta”.
“Ilaa iyo haatan kama fikirayo kulanka Finalka, sababtoo ah waxaa ina sugaya imtixaan adag ee kooxda Liverpool ah, u gudubka finalka waxay noqon doontaa riyo, laakiin waa inaan hal talaabo qaadnaa mar uun”.
Si ay Roma u soo gaarto Finalka Champions League waxaa muhiim ah inay guuldaro bado Liverpool oo qaadaneysa qaab ciyaareed cajiib ah, isla markaana heysata xidigaha Salah, Mané iyo Firmino.
“Kulankan waa kan ugu muhiimsan Roma ee xili ciyaareedkan, 180 daqiiqo, waxaan gaari karnaa finalka aan ku riyooneyno, laakiin ma noqon doonto mid fudud, sababtoo ah Liverpool waa koox xoog leh, waxay heystaan tababare jecel inuu ciyaaro qorsho weerar sideena oo kale”.
Džeko ayaa sidoo kale amaanay ee ah gool dhaliyaha ugu sareeya kooxda Liverpool Mohamed Salah kadib markii uu xili ciyaareedkan dhaliyay 31 gool, lakiin waxa uu carabka ku adkeeyay in Liverpool awooda ay ku tiirsan tahay inay tahay isku xirnaanta kooxda.
Gool FM