Gary Neville Oo Kevin De Bruyne Ku Sifeeyay Isku...

Khabiirka Sky Sports ahna halyaygii hore ee kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa amaantii ugu waynayd huwiyay xidiga kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne kaas oo uu ku sifeeyay isku darka halyayadii ay Man United ka soo wada ciyaareen ee Paul Scholes iyo David Beckham.
De Bruyne ayaa gool cajiib ah ka dhaliyay meel 25 yards u jirtay goolka Swansea City kulankii ay xalay kooxdiisa Man City guusha wayn ku gaadhay Etihad Stadium wuxuuna xili ciyaareedkan ka mid ahaa sabab wayn oo ay kooxda Guardiola ugu guulaysatay koobabka Premier league iyo League Cupka.

Gary Neville ayaa dareensan in xidiga ree Belgium uu koobsanayo astaamo uu lahaa Paul Scholes balse waxa uu sidoo kale xusay in De Bruyne uu leeyahay astaamo kale oo uu lahaa David Beckham wuxuuna si wayn u amaanay xidiga Man City ee De Bruyne.
Gary Neville oo ka hadlaya De Bruyne ayaa hadalkiisa ku bilaabay: ” Jamie Redknapp waxa uu isaga barbar dhigay Paul Scholes, laakiin anigu waxaan xaqiiqdii filayaa in uu yahay isku darka Scholes iyo David Beckham”.
Gary Neville oo sababta hadalkiisan sharaxaya ayaa yidhi: ” Isagu waxa uu u karoosi karaa ama kubbada u bixin karaa sidii Beckham, laakiin sidoo kale waxa uu dhalin karaa darbooyin oo uu baaska u bixin karaa sidii Scholes, isagu waa isku jirka labadooda ee sida uu u ciyaaro. Si la siman waxa uu hadda kooxdan muhiim ugu yahay sida David Silva, taasi waxbay sheegaysaa sababtoo ah Silva waa ciyaartoy cajiib ah”.

Markale Gary Neville ayaa ku soo hal qabsaday erayo uu hore u sheegay Jamie Redknapp balse hadalkiisii ayuu ku sii xidhay De Bruyne wuxuuna yidhi: ” Jamie Redknapp waxa uu sheegay in Xavi iyo Andres Iniesta ay ahaayeen labadii ugu fiicnaa ee uu booska dhexda hore ku arkay, waxaana waajib kugu ah in aad ku raacdo taas, waxay ahaayeen kuwii abid ugu fiicnaa ee la arko ee kooxdii Guardiola ee Barcelona, laakiin Kevin De Bruyne iyo David Silva waa kuwo la barbar dhigi karo”.
Garry Neville ayaa hadalkiisa sii raaciyay: ” Taasi waxbay sheegaysaa, sababtoo ah xaqiiqdii kuwani waa ciyaartoy heer sare ah, iyagu kubbada ma lumiyaan, waxay leeyihiin maskax furnaantii, fahankii , xaqiiqdii, xaqiiqdii waa heer sare”.