Juventus Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu Dhaawac Soo...

(Serie A) 23 Abriil 2018 Difaaca kooxda Juventus iyo xulka qaranka Talyaaniga Giorgio  ayuu dhaawac kasoo gaaray bowdada lugta bidix, inta lagu gudi jiray kulankii Axada ay guuldarada kala kulmeen kooxda Napoli.
War saxaafadeed kasoo baxay kooxda Juventus ayaa lagu yiri: “Giorgio Chiellini ayaa maanta maray tijaabo caafimaad ka dib dhaawacii kasoo gaaray kulankii shalay, taasoo keentay inuu ka tago garoonka”.

“Kadib markii dhowr baaritaano caafimaad lagu sameeyay Giorgio Chiellini, waxaa soo baxday inuu jiro dhaawac dhanka jilibka ah gaar ahaan lugta bidix”.
Giorgio Chiellini ayaa sdioo kale mari doona maalmaha soo aadan baaritaano caafimaad oo dheeri ah, si uu kaga soo kabto dhaawacan soo gaaray, iyadoo aysan wali dhakhaatiirta caafimaadka ee kooxda Juventus daboolka ka qaadin xiliga uu soo laaban doono.
Napoli ayaa kulankii xalay ee horyaalka Serie A guul kaga gaartay Juventus 1-0, xili horyaalka dalka talyaaniga kulamada ka harsan ay gaarsiisan yihiin ilaa iyo 4 kulan oo kaliya.
Gool FM.