Kadib In Loo Doortay Da’yarka Sanadka Ee England Ugu...

Da’ayarka kooxda Manchester City ee Leroy Sane ayaa sheegay in macalinka reer Spain ee Pep Guardiola uu yahay kan ugu fiican aduunka, kadib markii uu sheegay sida uu ugu qancay qaabka uu u hagaajiyay safka kooxda, taasoo ka caawisay inay ku guuleystaan  xili ciyaareedkan horyaalka Premier League.
Leroy Sane ayaa xalay ku guulaystay abaal marinta da’yarka sanadka ee horyaalka Premier league ugu fiican isaga oo abaal marintan ku garaacay Raheem Sterling iyo Harry Kane oo kaalinta labaad iyo saddexaad ka galay codbixintii uu Sane abaal marintan ugu guulaystay.

Xidiga xulka qaranka Germany ee Leroy Sane ayaa wuxuu muhiim u ahaa xili ciyaareedkan kooxda Sky Blues, kadib marka uu 22 jirkan u dhaliyay kooxdiisa 9 gool, isla markaana uu caawiyay 12 gool kale, taasoo ka saaciday inuu ka helo xidhiidhka kubada cagta dalka Enland abaal marinta da’ayarka ugu fiican Premier League.
Hadaba Leroy Sane ayaa u sheegay Sky Sports in Pep Guardiola uu yahay macalinka ugu fiican aduunka wuxuuna yidhi: “Haa, aragtidayda, waa tababaraha ugu fiican aduunka, qof walba wuxuu arki karaa heerkeena, kaasoo horumariyay wax badan, wuxuu ina siiyay awood aan talaabo horey ugu sii qaadi karno”.
Sane ayaa hadalkiisa intaas kusii daray: “Guardiola wuxuu walba isku dayayaa inuu helo qaab ciyaareedka ugu fiican islamarkaana na tuso sida loo ciyaaro kubada cagta”.

Da’ayarka xulka qaranka Germany ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Aad ayaan uga mahad celinayaa, sababtoo ah kooxdu waa ay fiicneyd, waa koox aad u fiican, xili hore ayaan sameynay dadaal weyn”.